Home » Maxaa Cusub » Hadal Heynta Suuqa Yurub Ugu Weyn: Sterling, Oscar Iyo Fabregas Sheeko Ku Saabsan Nala Wadaaga

Hadal Heynta Suuqa Yurub Ugu Weyn: Sterling, Oscar Iyo Fabregas Sheeko Ku Saabsan Nala Wadaaga


Suuqa Yurub maalin walbo aqbaarta xidigaha aduunka ugu tayada wanaagan ayaa lagu hadal hayaa waxaana maanta si gaar ah saxaafada aduunka warbixino kala duwan ay uga qoreen xidigaha kala ah Raheem Sterling, Cesc Fabregas iyo Oscar, dhamaan sedexdan xidig waxay wadaagaan inay ka tirsan yihiin kooxaha Premiership-ka England ka dhisan, balse mustaqbalkooda cayaareed sheekooyin laga qoray maanta ayaa siweyn u kala duwan:

Sterling Oo Kusii Jeedo Kooxda Real Madrid: 19-jirkan mustaqbalka wanaagsan ku leh kubada ayaa siweyn looga gacan haatinaa caasimada dalka Spain weliba kooxda Real Madrid ayaa sheegtay inay lacago badan kula soo saxiixan doonto waxaana lagu wadaa Sterling inuu booska Angel Di Maria buuxiyo madaama xidiga reer Argentina loo badinaayo inuu Real isaga tagi doono, hadaba Liverpool oo ku faanto Raheem Sterling sidee uga jawaabi doontaa dalabka Madrid?

FBL-WC-2014-MATCH01-BRA-CRO

Oscar Ooo Chelsea Iib Ka Ah: kubad sameeyaha xulka Brazil hadii uu koobka aduunka soo dhameesto London dib uguma laaban doono madaama Chelsea aysan u baahneyn waxaana xidigan iyo wakiilkiisa loo sheegay inay raadsadaan naadi kale, weliba Chelsea waxay sheegtay inay ka iibin doonto kooxdii la timaado £40 million ilaa haatana kooxaha PSG iyo Juventus ayaa shaaca ka qaadeen xiisaha ay wiilkan dhalinta yar u qabaan, waxaana naga xasuusin ah in Oscar sanadii 2012 ay Chelsea £19.35m kaga soo iibsatay naadiga Internacional.

Cesc Oo Booskii Uu Waligiis Jeclaa Chelsea Kaga Cayaari Doono: Cesc Fabregas ayaa waqti dheer taleefoon kula sheekeestay macalin Jose Mourinho wuxuuna xidigan macalinkiisa cusub ka dhameestay in boos joogto ah Chelsea laga siiyo sidoo kalena lambarka 10-aad laga cayaarsiiyo, tani ayaa ka dhigan in Cesc uu ka dambeyn doono Diego Costa oo lagu wado inuu noqdo weeraryahanka cusub ee Chelsea xili cayaareedka nagu soo fool leh, sidaa darteed Fabregas khadka dhexe Chelsea maka cayaari doono balse lambarka 10-aad ayuu ka weerar gali doonaa xili cayaareedka dambe waana booska uu aadka u jecel yahay xidigan in marwalbo laga cayaarsiiyo.


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Hadal Heynta Suuqa Yurub Ugu Weyn: Sterling, Oscar Iyo Fabregas Sheeko Ku Saabsan Nala Wadaaga

  1. XUDEYFa SYL Reply

    June 21, 2014 at 4:58 PM

    Horta rahim strling aya livrpol ka tagaayo wa hbnki xly tagy xaqiqda wana hubaa taas in ay san dhceyn lkn super suarez haa wu tagi kraa lkn rahim strling waxy lmid tahy stvn Gerrad o ku biray cadwgena man untd vivaaaa livrpol

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close