Home » Maxaa Cusub » Group H Oo Lagu Kala Baxay Xili Algeria Ay Si Geesinimo Leh Ugu Soo Gudubtay Wareaga 16-ka

Group H Oo Lagu Kala Baxay Xili Algeria Ay Si Geesinimo Leh Ugu Soo Gudubtay Wareaga 16-ka



Ciyaar aad u xamaasad badan ayaa oo ay Russia hogaanka u heyso ayaa bilaabatay waxaana hanaan u socodka Russia uuka saaciday iney hogaanka u qabtaan ciyaarta daqiiqadii -6-aad ee ciyaarta shabaqa Algeria soo taabtay Alexander Kokorin kaas oo naxdin galiyay Jamaahiirta reer Africa.

Xamaasada ciyaarta ayaa laba jibaarantay iyadoo Algerianka ay baadi goob u galeen iney barbaro keenaan si ay ugu soo gudbaan wareegyada xiga iyagoo ka warqaba natiijada ciyaarta Belgiumka iyo Korea oo xiligaas aheyd barbaro.

Algeria ayaa soo gaartay wareega 16-ka iyadoo noqotay wadankii labaad ee Afrika ah ee soo gaara wareegaan kadib markii ay barbaro la gashay Russia.

Xidigaha Algeria ayaa badalay qaab ciyaareedkooda iyagoo cadaadis fara badan saaray goolka Russia balse qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo ay hogaanka ku heyso wiilasha Fabio Capello ee Russia.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada xulba ay soo qaateen talooyin rogaal celis ah oo ay kasoo qaateen macalimiintooda.

Xulka Algeria ayaa laba jibaar ku sameeyay qaab ciyaareedkooda inkastoo Russia ay kaalinteeda qaadaneysay balse daqiiadii 60-aad Islam Slimani ayaa gool barbaro ah u keenay Algeria kaas oo ahaa madax qurux badan.

Xidigaha Xulka Algeria ayaana sujuud ku dabaal dagay xili ay muujiyeen xushmada ay u hayaan diintoo islaamka, barbarahaas ayaana ahaa mid ay faa’iido ugu jirtay.

Wixii markaas ka dambeeyay nolosha Algeria ayaa ciriiri badan gashay iyadoo Russia oo aaan u cuntami karin natiijada socota waxey weerar lixaad leh ku qaaday goolka Algeria balse uma suuragalin damadceedii ahaa iney gool hogaanka ay ku qabato ay hesho.

Dadaalkii Russia ayaa soo idlaaday iyadoo Algeria ay ku adkeysatay iney barbaro ku celiso, waxaana ugu dambeyntii ay ciyaarta kusoo idlaatay 1-1 oo barbaro ah.

Natiijadaas ayaana ka dhigan in Algeria ay noqoto wadankii labaad oo Afrikaan ah oo soo gaara wareega 16-ka waxeyna kula biiri doontaa Nigeria oo horay usoo baxday.

Xulalka Cameroon, Ghana iyo Ivory Coast ayaa horay kaga haray.

Dhanka kale Belgium ayaa 1-0 ku garaacay South Korea taasoo ka dhigan in wiilasha Wilmots ay kusoo baxeen 9-dhibcood waxeyna goolkaas kaga mahad celinayaa Jan Vertonghen oo ahaa kabtankii ciyaarta daqiiqadii 78-aad ayeyna heleen goolka.

Belgium iyo Algeria ayaa kasoo baxay groupkaan halka Russia iyo South Korea ay gurigooda aadi doonaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close