ARAR:
Salaama marka hore dhamaan akhristayaasha sharafta leh ee shabakadda hiilkubad.com, marka xigta waxaan idinkaga mahad celineynaa waqtigiina qaaliga ah ee noo hurtaan si aad noogu dhiirigalisaan inaan horay usii wadano shaqadeena.
Barnaamijkaan waa barnaamij gaar ah oo aan ugu tala galnay koobka Aduunka waxaana kaga falanqeyn doonaa 8-da Group ee koobka Aduunka si maalin dhaaf ah, labadii maalinba waxaan soo gudbin doonaa hal Group.
Macluumaadkaan waxaa soo aruuriyay wariyayaasha shabakadda si dadka afsoomaaliga ku hadla ay wax badan kaga ogaadaan wax walba oo ku saabsan wadamada ka qeyb galaya Koobka Aduunka.
Hadaan wax yar idinkaga taabto barnaamijka waxaad ka ogaan doontaa:
1. Heesta Calanka Dal Walba
2. Cuntada Ay jecel Yihiin
3. Heerkii ugu sareeyay Tartankaan
& Warbixino kale oo Badan
GROUP A: 1. BRAZIL
Tirada Shacabka reer Brazil: 198.7million
Cunada ay xulkan Jecelyihiin: Feijoada – Digir lagu kariyya hilib Lo’ iyo hilib Doofaar.
Heesta calanka: Himno Nacional Brasileiro
Guulihii ay koobka aduunka ka gaareen: 1958, 1962, 1970, 1994 iyo 2002 ayay ku guuleesteen
Xidigaha Premiership-ka ka cayaaro ee xulkan ka tirsan: David Luiz, Ramires, Oscar (Chelsea), Paulinho, Sandro (Tottenham), Lucas (Liverpool), Fernandinho (Man City), Willian (Chelsea).
Waa kuma macalinkooda:
Luiz Felipe Scolari waa maskaxdii ka dambeesay inay Brazil ku guuleesto koobkii aduunka 2002, macalinkan 2-sano kadib ayuu xulkan dib ugu soo laabtay wuxuuna diyaar u yahay 65-jirkan inuu markale reer Brazil mininkooda uga farxiyo ayadoo joogaan!
Waa kuma kabtnkooda:
THIAGO SILVA: Wuxuu ka tirsan yahay Paris Saint Germain
Thiago Silva waa daafaca aduunka ugu wanaagsna sidoo kalena waaya aragnimo ku filan ayuu leeyahay madaama uu horyaalo la qaaday kooxaha Milan iyo PSG sidoo kalena 29-jirkan xulkiisa 50-kulan oo heer caalami h ayuu u saftay.
Xidiga ay caleemo saarteen:
Dani Alves daafaca Barcelona waa madaalaha reer Brazil waxaana xagaagan caleemo saartay macalin Scolari, 30-jirkan xulkiisa 72-kulan ayuu u saftay!
Xidiga isha lala raaci doono:
NEYMAR JR: Waa xidig k tirsan Bulgarana
Neymar weeraryahnka Barcelona markuu xiran yahay maaliyada Jaalaha lama celin karo waxaanaala yaaban yahay asigoo 22-sano jiro inuu xulkiisa u dhaliyay 27-gool asigoo u saftay 46-kulan tolow sidee wiilkan loo celin doonaa xagaagan!!
Mucjisadii Ugu Weyneed Oo Ay Tartankan Ka Dhigeen:
Carlos Alberto: 1970
Yaaba iloobi karo goolkii mucjisada ahaa ee uu Carlos Alberto dhaliyay Finaalahii 1970 habeenkii Brazil 4-1 cagta ku marisay Talyaaniga wuxuua Carlos Alberto dhaliyay gool ay isku dhiib dhiibeen dhamaan xidigaha reer Brazil asigoo ugu dambeyntii kubad qurxoon Pele ka helay kadiban shaqaba ayuu ku hubsaday!
Shaxda ay cayaari doonaan:
Scolari ma ahan nin cabsado wuxuuna cayaaari doonaa shaxda 4-3-3
Xog Muhiim ah oo xulkan ku saabsan: Brazil kaliya 2-kulan ayaa laga badiyay 17-kulan ee ugu dambeesay oo ay koobka aduunka cayaareen waxayna guuleesteen 14-kulan halka1-kulan ay bar bar dhac galeen!
Maxay u badan tahay inay sameeyaan inta uu tartankan socdo: Guud ahaan inay koobka aduunka ku guuleestaa ayaa afka lagu hayaa!
Sadaasha laga baxiyay kulanka ugu horeeyo oo ay cayaari doonaan:
10-qofood oo la weydiiyay 7-ka mid ah waxay dhaheen Brazil kulankeeda ugu horeeyo koobka aduunka guul weyn ayay ku daah furi doontaa!!
2. CROATIA
Tirada Shacabka reer Croatia: 4.26 million
Cunada ay xulkan Jecelyihiin: Sir – Farmaajo laga sameeyay caanaha Lo’da ayay jecel yihii inay rootiga ku cunaan iyo wixii la mid ah.
Heesta calanka: ‘Lijepa nasa domovino’ (Our Beautiful Homeland)
Guulihii ay koobka aduunka ka gaareen: kaalinta 3-aad ayay galeen sanadii 1998
Xidigaha Premiership-ka ka cayaaro ee xulkan ka tirsan: Dejan Lovren (Southampton), Nikica Jelavic (Everton), Mladen Petric (West Ham) .
Waa kuma macalinkooda:
Niko Kovac waa macalin dhalin yar oo laga so dalacsiiyya 21-jirada xulka Croatia, 42-jirkan sidoo kale waa ruug cadaa horey Croatia ugu cayaari jiray wuxuuna xulkiisa u saftay 83-kulan asigoo cayaartoo ah!
Waa kuma kabtnkooda:
KABTAN “Srna” & Mario Mandzukic
Darijo Srna waa halyee ku duqoobay naadiga Shakhtar asigoo ka tirsan 10-sano wuxuuna u saftay inka badan 400-kulan naadiga reer Ukraine sidoo kalena ruug cadaagan xulkiisa Croatia wuxu u saftay 110-kulan dabcan wuxuu ka mid yahay laacibiinta ugu waaya aragsan ee xagaagan koobka aduunka ka qayb qaadan doonaan!
Xidiga ay caleemo saarteen:
LUKA MODRIC: Wuxuu ka mid yahay Kooxda Los Blancos
Luka Modric uma baahno tacriif badan waa xidigii dhawaan Real Madrid Champion-ka la qaaday sidoo kalena Modric wuxuu ka mid yahay xidigaha khadka dhexe ugu wanaagsan caalamka xiligan la jooo.
Xidiga isha lala raaci doono:
Mateo Kovacic kubad sameeyahan dhalinta yar wuxuu sameenayaa hormar aan caadi ahayn waayo xagaagii hore Inter Milan ayaa £14million haatana asigoo dhalin yar ayuu xulkiisa Croatia xagaagan hor kici doonaa.
Mucjisadii Ugu Weyneed Oo Ay Tartankan Ka Dhigeen:
Davor Suker: Xidigii reer Croatia ee qaaday gooldhalinta Koobka Aduunka 1998-dii
Maba iloobi karno sanadii 1998 markii Croatia ay caalamka ka yaabiyeen waxaana sanadkaas kabaha dahabka ku guuleestay Davor Suker oo 6-gool ka dhaliyay tartankii France lagu qabtay weliba waxaan la iloobi karin inay Croatia 3-0 cagta ku mariyeen xulkii Jarmalka ee awooda badnaa!
Shaxda ay cayaari doonaan:
waxay xulkan cayaari doonaan 4-4-2
Xog Muhiim ah oo xulkan ku saabsan: Croatia waxay ahaayeen xula kaliya ee aan wax gool ah laga dhalinin kulamadii Play Off-ka weliba labadii kulan wax gool ah lagama dhalinin oo ay koobka aduunka ugu soo baxeen sanadkan.
Maxay u badan tahay inay sameeyaan inta uu tartankan socdo: inay qaataan calaamadaha ugu badan ha noqoto jaale ama casaan
Sadaasha laga baxiyay kulanka ugu horeeyo oo ay cayaari doonaan: 100-qofood oo la weydiiyay 1-ka mid ah wuxuu yiri Croata kulankeeda ugu horeeyo koobka aduunka guul weyn ayay ku daah furi doontaa!!
F.G: Xuquuqda Macluumaadkaan Waxey u dhowrsan tahay Shabakadda Hiilkubad.com, taas oo waqti iyo dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii ay dadka soomaalida ah ee xiiseya kubada cagta hadba wacyiga jira ula socodsiin laheyd.
FILASHO: Mexico & Cameroon: Saacadaha Soo Aadan
Qeybta Fikradaha Nala wadaag wixii aad ka dhaxashay qoraalkaan ama aad ka fahantay..
xasan
May 28, 2014 at 8:51 AM
hiilkubad caadi mahan warbixintaan aad ayaan uga helay
Mcne love JEENYO.
May 28, 2014 at 9:21 AM
Maasha.alaah hiil kubad waad ku mhdsn tihiin.
c kariim Qalinle
May 28, 2014 at 9:24 AM
Sln sare dhamaan bahda hiilkubad. Khaasatan. Shardinho waa warbixin laga dareemaayo in uu soo uruuriya khabiir sports ””’ka fikrad ahaan warld cup waxaa qaadi doono Brazil.
M.m.x
May 28, 2014 at 9:41 AM
asc wa idin salamaya marka hore shabkada hiilkubad.com en waxaad ilowden ayaan u maleyn hayaa wilian brzil in lagu so darin ciyar yahana ka xamasha Premiership ka England Thnkz
Abbas Ali Hassan
May 28, 2014 at 9:50 AM
Ok, Mahadsanid M.M.X., waan Ku Darnay WIllian (Chelsea)
XUDEYFa SYL
May 28, 2014 at 10:02 AM
www thnks bhda hiil kubad mar kle thnks xaqiqdi wa war bixin aan ka fa,idesty wax bdn lkn hilmani hdal kuma jiro frnandinho wa minute citu not livrpol thnks wa war bixin dhnksta ka dheeli trn
mohamoud ismail sh omar
May 28, 2014 at 10:16 AM
asc dhamaan shaqaalaha hiilkubad runtii waxaad tihiin website aan u bogay run ahaantii waxaan idin leyahay waad ku mahadsantihiin sida aad m,arwalba aad nooga haqab tirtaan dhamaan macluumaadka ku sahabsan akhbaaradka sportska khaasatan kubada cagta