Home » Horyaalada » Bundesliga » Gogol Dhiga Koobka Aduunka: Xulka Germany Iyo Diyaar Garowga Ay Ugu Jiraan FIFA World Cup

Gogol Dhiga Koobka Aduunka: Xulka Germany Iyo Diyaar Garowga Ay Ugu Jiraan FIFA World Cup


Germany National Team

Waxaa joogto inoo  ah barnaamijkeenii aan kaga hadalo xulalka koobka aduunka ka qayb qaadanayaan iyo diyaar garowga adag oo ay ugu jiran tartankan xiisaha badan oo dalka Brazil lagu wada balansan yahay bartahama bisha June, sidaa darteed waxaan maanta si gaar ah diirada u saari doonaa xulka Jarmalka oo ka mid ah xulalka ugu miisaanka culus tartankan loona sadaalinaay hanashada koobka aduunka, hadaba xulkan ku caan baxay kasoo qayb gala tartamada caalamka ugu xiisaha badan waxay doonayaan markii ugu horeesay mudo 24-sano kadib inay FIFA World Cup ku guuleestaan madaama ay heestan xidigo aad u tayo wanaagsan, fadlan gogol dhiga xulka Jarmalka hoos kaga bogo:

Macalinka xulkan waato: Joachim Low runtii 8-sano ka hor xulka Jarmalka macalin labaad ayuu u ahaa tartankii FIFA World Cup 2006 waxaana markaas Jarmalk watay Jurgen Klinsman wixii markaas ka dambeeyay Mr. Low isaga ayaa hogaanka Jarmalka la wareegay wuxuuna soo gaaray kaalimaha ugu dambeeyo 4-tartan ee u Jarmalka hogaaminaayay kaliya waxaa u harsan sanadkan inuu koobka hanto hadaba Low oo leh waaya aragnimo ku filan markan ma calfan doonaa hanashada tartanka aduunka ugu qiimaha badan?

Xidigaha ugu muhiimsan: Mesut Ozil & Marcos Reus

Xidiga dhalinta yar ee la filaayo inuu wacdaro muujiyo: Toni Kroos waa 24-jir khadka dhexe ka cayaaro

Shaxda ay xulkan cayaari doonaan: 4-1-2-3

Inta jeer oo ay koobka aduunka ka qayb qaateen: 17-jeer

Imisa jeer ayay ku guuleesteen: 4

Xidigahii Ugu Magaca Dheeraa Maaliyada Xulkan Xirtaan: Franz Beckenbauer, Gerd Müller, Lothar Matthaus

Kulamada saaxiibtinimo oo ay cayaari doonaan ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin:

13 May Germany Vs Poland (Hamburg, Germany)

1 June Germany Vs Cameroon (Mönchengladbach, Germany)

6 June Germany Vs Armenia (Mainz, Germany)

Line Up-ka macquulka ah oo ay koobka aduunka ku bilaaban doonaan:

 

Kulamada ay qaybta guruubyada cayaari doonaan:

Portugal (16 June)

Ghana (22 June)

USA (26 June)

23-ka xidig ee macquulka ah ee uu tababare Low la rajeynaayo inuu ku dhawaaqi doono 13-ka bishan May u xulan doono koobka aduunka

Cayaaryahan Naadig Da’da
1 Manuel Neuer Bayern Munich 28
2 Roman Weidenfeller Borussia Dortmund 33
3 Marcel Schmelzer Borussia Dortmund 26
4 Matthias Ginter FC Freiburg 20
6 Shkodran Mustafi Sampdoria 22
6 Marcell Jansen Hamburg 28
7 Philipp Lahm FC Bayern Munich 30
8 Per Mertesacker Ajax 29
9 Jérôme Boateng FC Bayern Munich 25
10 Hummels Borussia Dortmund 25
11 Bastian Schweinsteiger FC Bayern Munich 29
12 Sami Khedira Real Madrid 27
13 André Hahn FC Augsburg 23
14 Toni Kroos FC Bayern Munich 24
15 Mario Götze FC Bayern Munich 21
16 Sidney Sam Bayer Levekusen 26
17 André Schürrle Chelsea 23
18 Mesut Ozil Arsenal 25
19 Thomas Muller FC Bayern Munich 24
20 Lukas Podolski Arsenal 28
21 Marcos Reus Borussia Dortmund 24
22 Mario Gomez Fiorentina 28
23 Mirslav Klose Lazio 35


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Gogol Dhiga Koobka Aduunka: Xulka Germany Iyo Diyaar Garowga Ay Ugu Jiraan FIFA World Cup

  1. Xuseen maxamed Reply

    May 8, 2014 at 8:43 AM

    Gondogan dortmoud ?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close