Maanta Waxaa garoonka Banaadir Stadium ka dhici doona kulanka ugu culus kulamada horyaalka Nationlink Championship ee dalkeena Soomaaliya kaas oo dhexmari doona kooxaha LL.PP. Jeenyo iyo Elman kuwaas oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalka. Kadib hakad la galiyay horyaalka madama ay xulka qaranka ka qeyb galayeen tartankii Cecafa ee kusoo dhamaaday Kenya waxaa maanta u bilaaban doona horyaalka waxaana nasiib u yeeshay in lagu furo koxaha Jeenyo & Elman kuwaas oo kulankooda uu horay u baaqday bartamihii bishii November ee kal hore markaas oo booqasho Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ku tagay Banaadir Stadium darteed kulankii looga dhigay mid saaxiibtinimo madama la dhaafay waqtigii loogu tala galay bilaabashada ciyaarta. Si Kastaba xifaaltankii iyo ciyaarihii ay bulshada soomaaliyeed wada sugayeen ayaa dib u bilaaban doona iyadoo maanta ay dad badani sugi la’yihiin xiliga bilaabashada ciyaarta.
Warbixin La Xiriirta Labada Kooxood:
LL.PP JEENYO: Sida ku qoran xeerka tartamada ee xiriirka waxaa ganaax la kulmi doona ciyaariyahnkii qaata laba jaale wuxuuna maqnaanayaa kulan, Xamza Mohamed Mukhtaar & Cabdicasiis Catoosh ayaa qarka u saaran iney la kulmaan ganaxaas hadii ay jaalayaal qaatan kulanka Elman ee Galabta, iyagoo seegi doona Kulanka Horseed ee ah midka ugu xiga Elman. Ma Jiro xidig dhaawac kaga maqan kooxda Jeenyo kaas oo seegi doona kulankaan.
ELMAN: Elman oo raadineysaa guusheedii ugu horeysay horyaalka ayaa dhibaato weyn qabi doonta hadii ay jalayaal qaataan Mohamed Abdi Noor Shaarkey & C/llaahi Ciise Muxumed Joon kuwaas oo min hal jaale horay u qabay iyagoo seegi doona kulanka xiga ee Gaadiidka.
Cabdicasiis Hoomey oo ah weeraryahanka Kooxda Elman ayaa kazoo kabtay dhaawac dhanka muruqa ah oo kazoo gaaray kulankii Banaadir Sports Club ee kal hore, isagoo si caadi ah u bilaabay tababarka kooxda waxaana la filayaa inuu galabta soo fariisto Kursiga keydka ee kooxda. Marka la fiiriyo natiijadoodii kulamadii horyaalkii hore Jeeyo ayaa rikoor ka heysa madama Jeenyo ay adkaatay hal kulan halka kulanka kalana ay barbardhac ku dhameysteen.