Home » Maxaa Cusub » Fadeexadii Ka Dhacday Man United Dhowr Bil Ka Hor Oo Daaha Laga Qaaday Iyo Halka Ay Ku Biyo Shubtay!!

Fadeexadii Ka Dhacday Man United Dhowr Bil Ka Hor Oo Daaha Laga Qaaday Iyo Halka Ay Ku Biyo Shubtay!!


Hibbert_Watson_21.JPG

Waxaa bishii December ee sanadkii hore dhamaadkiisa la sheegay in mid ka mid ah cayaartooyda kooxda Man United uu fal anshax xumo ah kula kacay gabar aan magaceeda la sheegin.

Arinkan wax badan lagama ogaanin in kaliya wargeska The Sun uu qoray in mid ka mid ah cayaartooyda Man United uu gabar gogol dhaaf la sameeyay sidoo kalena sawiro uu ka qaaday lana wadaagay qaar ka mid ah cayaartooyda Man United.

Hadaba gabadha dhibka loo geestay waa Sarah Watson waxaana si rasmi ah loo sheegay qofka ay xiriirka la yeelatay inuu yahay daafaca Man United Marcos Rojo.

Sarah Watson ayaa la hadashay Daily Mail kadib markii ay dacwad kaga guuleesatay Rojo iyo wakiiladiisa waxayna gabadhan qiratay inay xiriir hal habeen ah la yeelatay Rojo bishii December dhamaadkeedii waxayna tiri “Waa run Rojo xiriir kooban ayaan yeelanay balse markii dambe ayaan ogaaday inuu xaas leeyahay sidoo kalena gabar u joogt”

“Waa nasiib daro in cayaartooyda la siiyo lacago waali ah kadibna ay u dhaqmaan sidii ay doonaan sidoo kalena waa arin naxdin leh in awoodooda dhaqaale ay dadka masaaakiinta ah ku maquuniyaan”

Sarah Watson ayaa sidoo kale sheegtay in loogu hanjabay xasbi sedex sano ah hadii ay arinkan daaha ka qaado sidoo kalena ay wakiilada Rojo u balan qaadeen £100,000 balse wey iska diiday,

Gabadhan ayaa sidoo kale sheegtay inay wargees la xariirtay kadib markii Rojo uu usoo diray sawiro labadooda oo qaawan midaasna ay walaac ku abuurtay.

Ugu dambeyntii Watson ayaa sheegtay inay wargeskii ay warbixintan siisay ka aqbashay £35,000 si ay xogtaan caalamka ula wadaagaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

3 Responses to Fadeexadii Ka Dhacday Man United Dhowr Bil Ka Hor Oo Daaha Laga Qaaday Iyo Halka Ay Ku Biyo Shubtay!!

  1. dimaria Reply

    5-April-2015 at 9:24 pm

    hhhh nin waaalan rojo inuu falkaa samaynayo wn filayey Viva #Rojo

  2. xudeyfi Reply

    6-April-2015 at 2:08 am

    gaalo isdhawday yaan waqti lagu bixin ayaan qabaa xamasada ciyaraha haku ekaato adii kale hiiiiiiiiiiiiiiiii

  3. Arsenal Reply

    6-April-2015 at 12:30 pm

    Sidee ku diiday lacgtii rojo oo ku yeeshay lacagtii wargeyska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>