Tababarihii hore Kooxda Real Madrid Fabio Capello ayaa qiray in kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo uu yahay wiilka mudan in la siiyo abaalmarinta sanadlaha ee Fifa Ballon d’Or.
Macalin haatan ee Reer Russia ayaa Ronaldo ku amaanay bandhigisia cajiibka ah ee Real Madrid iyo usoo saaristii xulkiisa Koobka Aduunka taasoo ka dhigan inuu shaqo wanaagsan qabtay sanadkaan.
28-jirkaan waxaa abaalmarintaan kula tartamaya Franck Ribery [Bayern Munich] & Lionel Messi [Barcelona] inkastoo wali aan la magacaabin sadexa xidig ee sida rasmiga ah isugu soo hartay abaalmarintaan.
“Bandhigiisa Madrid ee sanadkaan iyo Koobka Aduunka oo Portugal uu usoo saaray ayaan ugu codeyn doonaa Ronaldo isagaana ka mudan cid walba oo la tartameysa” ayuu Capello u sheegay Onda Cero
Bil kadib waxaa la bixin doonaa abaalmarintaan inkastoo 6-December 2013 la calaameyn doono sadexda shaqsi ee isugu soo haray abaalmarintaan.
Waxaa Aqrisay: (1913)