Waayeelka kooxda Inter Milan Esteban Cambiasso ayaa aad ugu faraxsan saameeyna uu la yimid macalin Walter Mazzarri oo Inter xili cayaareedkan ka dhigay koox u tartami karto ku guuleysiga Serie A-da, macalinkan oo isaga soo tagay kooxda Napoli ayaa Inter ka bilaabay qorshe u muuqdo inuu guuleesan doono madaama uu kooxdan u badiyay xidigo dhalin yar sidoo kalena tayo wanaagsan, ilaa haatan Inter Milan 3-kulan oo ay cayaartay Serie A-da waay aruursatay 7-dhibcood sidoo kalena todobaadkan waxaa si dirqi ah uga fakatay naadiga Juventus sidaa darteed Cambiasso ayaa aaminsan in haatan Inter kusoo laabatay heerkii lagu yaqiinay wuxuuna yir “waan ku faraxsanahay inaan tababare Mazzarri ka hoos shaqeenayo madaama uu yahay tababare qabiir ah sidoo kalena falsafadiisa wuu ku guuleestay inuu garoonka San Serio ka hirgaliyo”
Esteban Cambiasso oo haatan ah kabtanka Inter ayaa aaminsan in xili cayaareedkan kooxdiisa hiigsan karto ku guuleysiga Serie A-da wuxuuna yiri “runtii Inter way ka baxday jah wareerkii dhawaanahan heestay waxayna heshay macalin aad u wanaagsan haatana Inter waa koox u tartami karto ku guuleysiga Serie A-da” xidigan waaya araga ah ayaa ku booriyay laacibiinta Inter Milan inay dadaal dheeraad ah muujiyaan sidoo kalena ay garab istaagaan macalin Mazzarri sidii uu ku dhisi lahaa naadi awood badan oo Serie A-da maamulan karto tartamada Yurubna guulo ka keeni karto mustaqbalka dhow.
Waxaa Aqrisay: (254)