Home » Maxaa Cusub » DOOD: Sideed U Aragtay Xasuuqii Brazil Ee Xalay & Waxaad Ka Filaneyso Kulanka Caawa

DOOD: Sideed U Aragtay Xasuuqii Brazil Ee Xalay & Waxaad Ka Filaneyso Kulanka Caawa


germany

Ujeedka ayaa ah in Akhristayaasha Shabakadda Ay nala wadaagaan fikirkooda saliimka ah ee ku aadan dhacdooyinkii ugu dambeeyay kubada cagta inagoo ku dhiirigalineyna iney oraahdooda kusoo qoraan shabakadda.

Xalay Waxaa kubada cagta ka dhacay naxdin iyo anfariir aan la filaneynin waxaana Ay Wiilasha Jarmalku xasuuqeen martigaliyayasha Koobka Aduunka Brazil iyagoo ku garaacay 7-1.

Klose ayaa Jabiyay rikoor sare isagoo noqday gooldhaliyaha koobka Aduunka ugu weyn markii uu dhaliyay goolkiisii 16-aad isagoo ka qeyb galay afar koob Aduun.

Hadaba Maxey Kula Aheyd Xasuuqii xalay ka dhacay Dalka Brazil markii xulkii Jaalayaasha lagu hor xasuuqay kumanaan taageerayal ah oo u sacab tumayay?Argentina-vs-Netherlands-2014-World-Cup-Semi-finals

Sidoo kale Maxaa Laga Filan Karaa Kulanka Caawa Dhexmari Doona Argentina vs Holland.

Qeybta Hoose ee Fikradaha Ayaad kusoo diri kartaa warbixintaada.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close