Home » Horyaalada » La liga » Diego Simeone: “Hadii Chelsea Ay Dooneyso Diego Costa Anagana Waxaan Dooneynaa Fernando Torres”

Diego Simeone: “Hadii Chelsea Ay Dooneyso Diego Costa Anagana Waxaan Dooneynaa Fernando Torres”


torres-costa_2882613b

Kooxda Blues ayaa rajeyneysa iney saxiixeeda ugu weyn xili ciyaareedka soo aadan ka dhigato Diego Costa inkastoo taas badalkeda tababare Diego Simeone uu jecel yahay inuu mar tababare u noqdo Fernando Torres oo isaga mar kabtan ugu ahaan jiray Atletico Madrid.

Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay xiiso u qabto Weeraryahankooda Diego Costa inkastoo kooxda Madrid ka dhisan ay Jamaahiirteda jeclaan lahaayeen dib ugu soo labashada Fernando Torres ee Vincent Calderon xili ciyaareedka soo aadan.

Tababare Simeone ayaa la hadlay Raadiyaha Onda Cero isagoo leh: “Fernando waan jecelnahay mar walba, waxaan u diray fariin isaga anigoo u sheegaya inaan jeclahay inuu yimaado Madrid, mar walba wuu rajeeyaa inuu soo laabto waxaase u rajeynaa nasiib wacan”

Dhanka kale Diego Simeone ayaa shaaciyay in Chelsea ay tahay kooxda ugu cad-cad ee xili ciyaaredkaan qaadan karta Xidigooda Diego Simoene.

 

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Diego Simeone: “Hadii Chelsea Ay Dooneyso Diego Costa Anagana Waxaan Dooneynaa Fernando Torres”

  1. Macalimuu Reply

    April 19, 2014 at 11:24 AM

    Fikirkeyga hadaan ka dhiibto Costa wuu ku fiican yahay Chelsea, fernando isna ha isaga laabto kooxdiisi hore viva Reds

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close