Home » Maxaa Cusub » Diego Lopez: “Balotelli? Fernando Torres Ayaa Ka Fiican Saxiixa Cusub Ee Liverpool”

Diego Lopez: “Balotelli? Fernando Torres Ayaa Ka Fiican Saxiixa Cusub Ee Liverpool”


Lopez

Goolhayaha cusub ee kooxda Milan Diego Lopez kaas oo Real Madrid safka hore kaga jiray xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeya saxiixa cusub ee Milan Fernando Torres iyo saxiixa cusub ee kooxda Liverpool Mario Balotelli.

Mario Balotelli ayaa 16 Malyan Oo Pound ugu biiray Liverpool xagaagan isagoo ka hayaamay kooxda Milan, xili kooxda Reds ay 75 Malyan Oo Pound isaga iibisay Luis Suarez oo ku biiray goor hore Barcelona.

“Balotelli? Torres wuu ka faa’iido badnaan doonaa Mario Balotelli wuxuuna dabeecadiisa ku tusi doonaa Milan guulaha ay u baahan tahay”

“Torres waa saxiix weyn, waxaan ka hadleynaa ciyaariyahan sameyn kara waxyaabo layaab leh, leh qibrad, orod, sidoo kalana noqon kara muhiiim”

Diego Lopez oo isna xagaagan kusoo biiray Milan ayaa aad u amaanay xidiga ay dhalashada wadaagaan ee Torres, inkastoo qudhiisa uu Madrid uga soo guuray Casillas iyo Keylor Navas.

Fernando Torres ayaa la filayaa inuu safto kulankiisa ugu horeeya Milan todoabaadka soo aadan, xili Balotelli uu goor hore u saftay kooxdiisa cusub ee Liverpool

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Diego Lopez: “Balotelli? Fernando Torres Ayaa Ka Fiican Saxiixa Cusub Ee Liverpool”

  1. XUDEYFa SYL Reply

    11 September, 2014 at 1:55 PM

    Hhh golden elnino frnd tores waxa dad ka dhigy cptn G mrku katagyna wan aragny wuxu noqdy hdna super mario wuxu noqon dona xdga adunka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close