Home » Maxaa Cusub » DEG DEG: Luis Suarez Oo Rikoor Cusub U Dhigay Kooxdiisa Liverpool

DEG DEG: Luis Suarez Oo Rikoor Cusub U Dhigay Kooxdiisa Liverpool


Suarez

Weeraryahanka Kooxda Liverpool Luis Suarez ayaa dhigay rikoor hor leh madama uu dhaliyay goolkiisii 30-aad ee xili ciyaareedkaan isagoo noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee Liverpool maaliyadeeda xirta kaas oo dhaliyay 30-gool hal xili ciyaareed.

Luis Suarez ayaa dhaliyay goolka labaad ee Liverpool daqiiqadii 11-aad kulanka haatan ka soconaya garoonka Crowd ee kooxda Norwich kadib markii uu caawinaad ka helay Sterling oo weerara ku wehliyay galabta.

Horay rikoorkaan waxaa u heystay Robie Fowler oo dhaliyay 28-gool hal xili ciyaareed isagoo xiran maaliyada Liverpool, balse Suarez ayaa haatan ah xidigii ugu horeeyay ee Liverpool u safta kaas oo hal xili ciyaareed dhaliyay wax ka badan 28-gool.

Sidoo kale Ian Rush ayaa heystay rikoorkaan kaas oo 30-gool dhaliyay sanadkii 1986-dii waana markii ugu horeysay oo xidig Liverpool ah uu dhaliyo goolal intaan la eg tan iyo Ian Rush.

Suarez ayaa rikoor horay ugu dhigay Norwich isagoo ka dhaliyay shan sadexley intii uu ka hor yimid.

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: DEG DEG: Luis Suarez Oo Rikoor Cusub U Dhigay Kooxdiisa Liverpool

  1. Ahmed Reply

    April 20, 2014 at 4:20 PM

    liverpool waa u qalantaa in horyaalka qaadaan xilli ciyaareedkan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close