Ugu dambeyntii Luis Suarez ayaa gar waaqsaday qaladkii waalida ahaa ee uu galay wuxuuna xidigan raali galin buuxdo ka bixiyay qaniinyadii uu kula kacay Giorgio Chiellini taasi oo uu ku muteestay ganaax 4-bilood ah, inkastoo maalmo ka hor uu xidigan sheegay inuusan si toos ah u qaniinin Chiellini hadana Suarez ayaa dib isugu laabtay wuxuuna barta Twitter-ka soo dhigay raali galin buuxdo oo sidaan u qorneed:
kadib markii maalmo badan aan gurigeyga joogay sidoo kalena qoyskeyga aan waqti la qaatay waxaan helay xasilooni iyo fursad aad ku ogaan karo wixii aan sameeyay kulankii Itlay-Uruguay oo dhacay 24 June 2014.
Kadib markii aan meel iska dhigo wixii ay saxaafada sheeg sheegtay iyo dadaalkii aan koobka aduunka ka sameenay, xaqiiqada waxay tahay in saaxiibkeyga Giorgio Chiellini ay dhib kasoo gaartay jir ahaan qaniinyadii kadib markii aan isku dhacnay dhibaatadii ka dhalatay sidaa darteed waxaan oran lahaa:
Montevideo, 30 June 2014.
Barcelona ayaa kugu amartay inad raali galin ka bixiso ,kkkk viva messi neymar