Home » Latin America » Deg Deg: Kaka Oo AC Milan Isaga Tagay!

Deg Deg: Kaka Oo AC Milan Isaga Tagay!


Kaka Milan

Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in Kaka ay iska fasaxday kadib markii labada dhinac ay arinkan ku heshiiyeen Milan ayaa saxaafada aduunka aqbaartan la wadaagtay waxayna kooxdan sheegtay in Kaka la fasaxay sidoo kalena uu xur yahay naadigii uu doono inuu ku biiro, halyeega reer Brazil xili cayaareedkii hore bilawgiisii ayuu Milan dib ugu soo laabtay kadib markii uu Real Madrid isaga soo tagay balse wuxuu ku guul dareestay inuu si joogto ah Milan ugu cayaaro sidoo kalena kooxdiisa waxay ku guul dareesatay inay koobka horyaalada Yurub usoo baxdo xili cayaareedkan nagu soo fool leh.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xarunta Milan ayaa lagu sheegay in qandaraaska Kaka la nasaqay wuxuuna u qornaa sidaan “AC Milan waxay ku dhawaaqday inay nasaqday qandaraaskii Kaka kadib markii labada dhinac ay ku wada heshiiyeen” 32-jirkan ayaa lagu wadaa inuu u dhaqaaqo naadiga Orlando City ee dalka Mareekanka asigoo xiisenaayo MSL horyaalka Mareekanka madaama horyaalka Mareekanka fasax ku jiraan kooxihiisa Kaka ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo wuxuuna qaab amaah ahaan ah ugu biiri doonaa naadiga Sao Paulo waxaana arinkan xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka kooxda Sao Paulo Ataide Gil Guerreiro.


Close