Home » Africa » Horyaalka Somalia » Daawo Sawriada: Mo Farah iyo Xaaskiisa Tania Oo U Dalxiis Tagay Jasiiradaha Caribbean

Daawo Sawriada: Mo Farah iyo Xaaskiisa Tania Oo U Dalxiis Tagay Jasiiradaha Caribbean


mo_farah_tania_barbados_3

Halyeeyga Soomaaliya u dhashay ee u urda Ingiriiska haystana horyaalnimada dunida ee orodka 10 ka iyo 5ta kun ee mitir waa Maxamed faarax oo Mo Farah loo yaqaana ayaa markaan nasasho ka qaadanaya orodka iyo daalka aalmiintada waxuuna Mo farah asiga iyo xaaskiisa Tania ay dalxiis u aadeen jaziiradaha Caribbeanka ee aduunka loo raaxa iyo dalxiis tago.

Waxey Mo iyo Tania iyo caruurtoodaba aadeen dalka Barbados oo ku yaala jasiirada Caribbeanka halkaasoo lagaga soo qaaday sawiro xilli ay xeebta kulul ku dabaalayaneen iyadoo ay xaaska Mo xerneyd dharka dumarka ku dabaashaan ee bakini loo yaqaano waliba aana laga dareemeyn in ay dhawaan dhashay mataano.
Mo farah ayaa wargeyska The Sun u sheegay in uu aad u jecelyahay in uu xeebta joogo oo ku qaato waqtiyadiisa fasaxa uuka nasanayo cayaaraha isagoo soo xertay daba gaabkiisii dabaasha.
Mo ayaa dhawaan waxaa ay saxaafadda hadal haysay buugiisii iyo qisada uu kaga sheekeeyay sida uu u tabay walaalkiis ahna mataankiisa oo haatan ku nool magaalada Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close