Home » Horyaalada » La liga » Daafaca Naadiga Real Madrid Pepe Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa

Daafaca Naadiga Real Madrid Pepe Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa


Pepe

Képler Laveran Lima Ferreira oo ku magac dheer Pepe wuxuu ka mid yahay daafacyada aduunka ugu wanaagsan xidigan awooda badan guulo muhiim ah ayuu kooxdiisa Real Madrid la qeebsaday sanadihii uu ku sugan yahay garoonka Santiego Bernabue balse daafacan intii laga filaayay kabadan ayuu xili cayaareedkan la yimid weliba kooxdiisa Real Madrid kaalin muuqato ayuu ku lahaa inay koobka horyaalada Yurub kama dambeestiisa soo gaarto wuxuuna ku hami weyn yahay in Madrid markii 10-aad uu la hanto Champion-ka balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa daafaca reer Portugal iyo noloshiisa gaarka ah madaama aan wax badan laga ogeyn:

Ana Sofia waa gabadha ay Pepe is jecel yihiin waxay labadan lamaane isdooreen sanadii 2007 wuxuuna Pepe xiligaas ka tirsanaa naadiga FC Porto, Ana Sofia xiligaas jamaacad magaalada Lisbon ku taalo ayay ka bareeneesay dhaqtarnimo waxaana noloshiisa si gaar ah usii jiitay Pepe, waxaana naga xasuusin ah in Pepe uu magaalada Madrid usoo guuray isla sanadii 2007 balse saaxiibtiis Ana Sofia magaalada Lisbon si ay waxbarashadeeda u dhameesato waxayna dib ula midoowday seygeeda Pepe sanadii 2010, nasiib wanaag 27 August 2012 labadan lamaane waxaa u dhalatay gabar.

Pepe iyo Ana Sofia haatan waa qoys dhameestiran si farxad ku dheehan ayay magaalada Madrid ugu nool yihiin, wuxuuna dhawaan Pepe barta Twitter-ka ku sheegay in noloshiisa haatan ka dhiman yahay kaliya koobka horyaalada Yurub inuu Madrid kula guuleesto sida darteed riyada hananshada La Decima xitaa qoysaska xidigaha Madrid ka tirsan saameyn ayay ku yeelatay sidaa darteed bishan May 24-keeda hadii Real Madrid ku guuleesato Champion-ka sidoo kale laacibiinta kooxdan iyo reerahooda iyaga xaflad weyn ayay dhigan doonaan dabcan Pepe iyo Ana Sofia xaflada ay dhigan doonaan ayaa la rajeynaa inay noqon doono mida ugu saameynta balaaran!


2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Daafaca Naadiga Real Madrid Pepe Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa

  1. cibaadi Reply

    May 8, 2014 at 4:39 PM

    good

  2. mohamud Reply

    July 13, 2014 at 9:02 PM

    goood am support it babay well done

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close