Home » Horyaalada » La liga » Cristiano Ronaldo Oo Aan Dooneynin In Luis Suarez Uu Real Madrid Kusoo Biiro, Sabab?

Cristiano Ronaldo Oo Aan Dooneynin In Luis Suarez Uu Real Madrid Kusoo Biiro, Sabab?


CR7 and S7

Wargeska El Confidencial ayaa shaaca ka qaaday sir lala yaabay madaama wargeskan uu helay sheeko dhex martay gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez iyo Cristiano Ronaldo wuxuuna laacibka aduunka ugu wanaagsan maamulka kooxdiisa ka codsaday inaan Luis Suarez Madrid lagu soo biirinin inkastoo gudoomiyaha Real uu horey u sheegay in Suarez uu garoonka Bernabue keeni doono hadana Ronaldo ma jecleesanin sheekadan wuxuuna maamulka Madrid u sheegay inaan go’aankan lagu fududaanin, El Confidencial ayaa kasoo xigatay xogtan shaqsi ku sugan gudaha Madrid oo siweyn u dhageestay wada sheekeysigii dhex maray Ronaldo iyo gudoomiyahiisa.

Inkastoo Luis Suarez haatan u yahay weeraryahanka Yurub ugu wanaagsan sidoo kalena xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday Premiership-ka wacdaro xoogan ka dhigay hadana Ronaldo ayaa aaminsan in xidigan uusan Madrid waxba kusoo kordhin doonin sidoo kalena wuxuu soo jeediyay in Karem Benzema kooxda lagu celiyo sidoo kale Ronaldo ayaa aaminsan in Suarez uu yahay xidig kubada aanan dhiibin sidaa darteed kabtanka xulka Portugal wuxuusan rabin goolasha lala qeebsado wuxuuna ka doorbidaa Bale iy Benzema oo inta badan kubada isaga siiyaan, madaama Ronaldo uusan rabin in Suarez laga garab cayaarsiiyo sidoo kalena masuulka ugu sareeyo Madrid dhagtiisa lagu dhibiciyay sheekadan hadaba Real maxay sameyn doontaa?

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Cristiano Ronaldo Oo Aan Dooneynin In Luis Suarez Uu Real Madrid Kusoo Biiro, Sabab?

  1. Sadiiq yare Reply

    June 12, 2014 at 11:07 AM

    Kkkkkkkkkkk war waxo ku hadleeeso maqal dhoocisha suarez goalasha sturridge oo dhaliyaay sanad kaan badan kood asaaa ka caawiyay asaa cadow eh aan kubada laqeeebsan saa xiibadiisa viiiva super hero

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close