Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Qorshe Cusub U Bandhigtay Dhigeeda Real Madrid Madaama Ay Wali Dooneyso Raphael Varane

Chelsea Oo Qorshe Cusub U Bandhigtay Dhigeeda Real Madrid Madaama Ay Wali Dooneyso Raphael Varane


Varane

Kooxda Chelsea oo aan ka quusanin soo xero galinta daafaca dhalinta yar Rapheal Varane ayaa haatan bilaawday qorshe cusub oo ay aaminsan tahay inay Real Madrid wiilkan dhalinta yar kusoo fasixi doonto xagaagan madaama macalin Jose Mourinho taageero weyn u yahay Varane wuxuu tababarahan soo jeediyay in kooxda Real Madrid lagu wareejiyo goolhaye Peter Cech si wada hadalada Varane u sahlanaato.

Wargeska Daily Express ayaa si rasmi ah u sheegay in Chelsea ay haatan qorshahan cusub Real Madrid u bandhigtay waxayna Blues ku wareejin  doonaa kooxda reer Spain goolhaye Cech iyo lacago dheeraad ah si ay Varane kaga hesho.

Goolhayaha xulka Cech ayaa dhawaan diiday inuu kursiga keydka faristo madama Chelsea ay dib usoo ceshatay goolhaye Thibaut Courtois oo booska kowaad xili cayaareedkan lagu aamin doono. Geeska kale Varane oo 21-jir ah isagana kuma faraxsano inuu Bernabue baaqi kusii ahaado madaama tababare Carlo Ancelotti uu daafacan u balan qaadi waayay boos joogte ah sidaa darteed wargeska Daily Express ayaa sadaalinaayo in labadan koox wada hadaladan cusub si rasmi ah u amba qaadi doonaan maal maha nagu soo fool leh inkastoo Real Madrid haatan sedex goolhaye heesato hadana Cech waa lagu soo dhaweyn doonaa Madrid.


Close