Home » Horyaalada » La liga » Carles Puyol oo dib u dhac ku yimid xiligii uu garoomada dib ugu soo laaban lahaa…

Carles Puyol oo dib u dhac ku yimid xiligii uu garoomada dib ugu soo laaban lahaa…


Barcelona's captain Puyol celebrates after their Spanish first division soccer match against Real Madrid in Madrid

Wararka laga helaayo magaalada Catalunya ayaa sheegayo in kabtanka kooxda Barcelona uusan dib ugu soo laaban doonin kooxdiisa dhaawanahan kadib markii la xaqiijiyay in Carles Puyol uu dib dhac rasmi ah ku yimid xiligii uu garoomada dib ugu soo laaban lahaa sidaa darteed daafacan ka tirsan xulka Spain lama filan doono inuu garoonka Camp Nou kasoo muuqdo ilaa laga gaaro bisha October, Puyol oo kasoo kabtay qaliinkii looga sameeyay jilibka bishii June ee isla sanadkan ayaa dhawaan bilaabay tababar fudud waxaana la hadal haayay inuu Barcelona dib ugu soo laaban doono labo todobaad kadib balse haatan dhaqaatiirta kooxdan ayaa laga soo xigtay in soo kabashadiisa uu dib u dhac lama filaan ah ku timid.

Sidoo kale wargeska AS ayaa sheegay in Puyol uusan diyaar u ahayn inuu Barcelona u safto ugu yaraan 4-todobaad ee nagu soo fool leh sidaa darteed 35-jirkan ayaa seegi doono kulamada kusoo fool leh Barcelona gaar ahaan La Ligaha iyo koobka horyaalada Yurub qaar ka mid ah kulamada uu seegi doono waxaa ka mid ah kuwa ay Barca la cayaari doonto kooxaha Sevilla, Ajax, Rayo Vallecano, Real Sociedad iyo Almeria balse waxaa lago rajo weyn yahay inuu Puyol safan doono kulanka labaad ee Champion-ka kaasi oo ay Barcelona la cayaari doonto naadiga Celtic.


Waxaa Aqrisay: (1207)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>