Waa markale iyo barnaamijkeenii aan kaga hadleenay xidigaha aduunka ugu caansan iyo hantida ay leeyihiin waxaana maanta falanqeyn doonaa Bastian Schweinsteiger oo khadka dhexe Bayern Munich kaga cayaaro una dhashay dalka Jarmalka, anagoo tixgalineyno codsiga saaxiibadeena qaaliga ah maantana Bastian ayaan gorfeyn doonaa wax walbo oo aad uga baahan tahay xidigan hoos kaga bogo:
Magaca: Bastian Schweinsteiger
Hantida uu leeyahay qiimaha lagu sheegay: £50 million
Da’diida: 29-sano
Mushaar/Guno: £10m
Qiimaha uu haatan suuqa Yurub ka joogo: £ 40m
Daqliga kasoo galo dhanka xayeysiinta: £10m
Shirkadaha uu xayeysiinta u sameeyo: Adidas, Telkom.
Bastian waa xidiga ugu koobabka badan dhaman laacibiinta ka cayaarto Bundesligaha Jarmalka madaama uu kooxdiisa Bayern Munich kula guuleestay 6-horyaal iyo 6-German Cup ah sidoo kalena Munich wuxuu ka tirsan yahay 10-sano, haatan waa laacibka ugu hshacbiyada balaaran dhamaan xidigaha ka cayaarto Bundesligaha waxaana dhawaan loo doortay cayaaryahankii ugu wanaagsanaa dalka Jarmalka xili cayaareedkii hore 2012/13.
Thnx hiilkubad network 4 respecting my requests & i really enjoyed it so thankz 4 all for doing, preparing, and actually analysing the soccer players. hiilkubad is a reliable net. thnks……………………. .
Asc bahda hil kubad magacygu wa c\fitaax maxamned waxan idinka codsan laha in aa isisaan maclumadkusabsan xidiga wen e reer garmany kalose e nadiga ss.lazio xidgas hantida uhesto mahadsanidin
Asc mgcygu wa xasan aadan ibraahin {xasan A j} joga muqdisho gaar ahan degmada dharkenley mcmcnka waxax idinka codsan laha taariiqda ciyaryahay iniesta iyo hantida uleyahay oky mhdsnidin good lucky