Home » Horyaalada » Bundesliga » Bastian Schweinsteiger Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxa Kala Socotaa (+Sawiro)

Bastian Schweinsteiger Iyo Hantida Uu Leeyahay Maxa Kala Socotaa (+Sawiro)


1-Bastian-Schweinsteiger

Waa markale iyo barnaamijkeenii aan kaga hadleenay xidigaha aduunka ugu caansan iyo hantida ay leeyihiin waxaana maanta falanqeyn doonaa Bastian Schweinsteiger oo khadka dhexe Bayern Munich kaga cayaaro una dhashay dalka Jarmalka, anagoo tixgalineyno codsiga saaxiibadeena qaaliga ah maantana Bastian ayaan gorfeyn doonaa wax walbo oo aad uga baahan tahay xidigan hoos kaga bogo:

Magaca: Bastian Schweinsteiger

Hantida uu leeyahay qiimaha lagu sheegay: £50 million

Da’diida: 29-sano

Mushaar/Guno: £10m

Qiimaha uu haatan suuqa Yurub ka joogo: £ 40m

Daqliga kasoo galo dhanka xayeysiinta: £10m

Shirkadaha uu xayeysiinta u sameeyo: Adidas, Telkom.

Bastian waa xidiga ugu koobabka badan dhaman laacibiinta ka cayaarto Bundesligaha Jarmalka madaama uu kooxdiisa Bayern Munich kula guuleestay 6-horyaal iyo 6-German Cup ah sidoo kalena Munich wuxuu ka tirsan yahay 10-sano, haatan waa laacibka ugu hshacbiyada balaaran dhamaan xidigaha ka cayaarto Bundesligaha waxaana dhawaan loo doortay cayaaryahankii ugu wanaagsanaa dalka Jarmalka xili cayaareedkii hore 2012/13.

Close