Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa racfaan geysan doonta maxkamadda ugu sareysa kubada cagta ee CAS kadib markii xiriirka FIFA ay maanta soo naqdiyeen racfaan ay ka qaadatay ganaax laba xili ah oo kal hore lagu rogay.
Barcelona ayaa maanta oo arbaca ah war naxdin leh ka heshay gudigii u xil saarnaa racfaankeedii ku aadanaa ineysan laba xili ka dukaameysan karin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda madama kooxda ay jabisay sharciga da’yarta lagu soo iibsan karo.
Maxkamadda CAS ayaa horaanta todobaadkaan ganaaxii ka qafiifisay Luis Suarez oo ay ganaax culus ku rogtay FIFA madama loo ogolaaday inuu la tababaran karo kooxda isla markaana uu ciyaari karo kulamada aan aheyn sharciga.
Si Kastaba Racfaanka ay u gudbineyso Barcelona Maxkamadda ugu sareysa kubada cagta ee CAS ayaa ka dhigan iney ku qanci weysay wararka kasoo yeeray FIFA.
Balse hadii ay maxkamadu ay iyana soo diido racfaanka waxey noqon doontaa in Bulgrana aysan soo iibsan karin ciyaariyaan laba xili taasoo keeneysa iney ka fariisato suuqa January 2015 iyo July 2015.
January 2016 ayeyna heli doontaa fursad ay ciyaartoy kusoo iibsato.
waaaw