Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » MOhamed Ahmed Siyad Black http://hiilkubad.com Mon, 04 Aug 2014 14:31:40 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Macallin Soomaaliyeed Oo Markii Ugu Horeysay Casharro Ka Bixinaya Tababarka Garsooreyaasha Fifa http://hiilkubad.com/macallin-soomaaliyeed-oo-markii-ugu-horeysay-casharro-ka-bixinaya-tababarka-garsooreyaasha-fifa/ http://hiilkubad.com/macallin-soomaaliyeed-oo-markii-ugu-horeysay-casharro-ka-bixinaya-tababarka-garsooreyaasha-fifa/#comments Thu, 24 Jul 2014 06:23:27 +0000 http://hiilkubad.com/?p=30243
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Macallin Soomaaliyeed Oo Markii Ugu Horeysay Casharro Ka Bixinaya Tababarka Garsooreyaasha Fifa], All Right Reserved. 2014.
]]>
cali sacid

Waa talaabo weyn oo taariikhi ah in markii ugu horeysay mid ka mida macalimiinta garsooreyaasha kubada Cagta Soomaaliya Cali Maxamed Axmed (Cali Saciid) uu macalin ka noqon doono tababar heer caalami ah oo dalka Cameroon loogu qaban doono garsooreyaasha Africa oo sanadka ka mid noqday garsooreyaasha kubada cagta aduunka ee FIFA.

Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb geli doona 30 ka mida garsooreyaasha FIFA ee kasoo jeeda qaarada Afrika kuwaas oo 9 ka mida ay haween yihiin, waxaana uu ka dhici doonaa Magaalada Yaounde ee caasimada dalka Cameroon inta u dhexeysa 3-9-ka bisha August ee inasoo aadan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ururka kubada cagta Afrika ee CAF.

Qoraalka CAf ayaa lagu sheegay in macalimiinta tababarka bixin doona ay kala yihiin: 1 Cali Maxamed Axmed (Soomaaliya) iyo 2 Alexander Cotey (Ghana). Ururka CAf ayaa dhawaan dallacsiiyay Mr Cali kaddib markii labadii sano ee lasoo dhaafay uu tababaradii loo qabtay macalimiinta Afrika ka galay kaalinta 1-aad.

Waxaa ay tani noqoneysaa markii ugu horesay taariikhda kubada cagta Soomaaliya oo macalin Soomaaliyeed uu helo darajadan oo kale, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

“Maalin weyn ayay u tahay umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana bahweynta kubada cagta in macalinkeena Cali Maxamed Axmed loosoo magacaabay in tababarkan caalamiga ah uu casharro ka bixiyo, sababtoo ah taariikhda wali ma dhicin in macalin soomaaliyeed uu darajadaas ka gaaro kubada cagta aduunka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Mr. Carab ayaa sheegay in sanadaha soo socdana ay Soomaaliya rajeyneyso in macalimiin kale oo Soomaaliyeed ay dalacsiin ka helaan ururrada CAF iyo FIFA, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed uu sanadihii u dambeeyay xooga saarayay dhanka horumarinta tacliinta is are loogu qaado aqoonta  iyo tayada garsoorka  iyo macalimiinta.

“Magacaabista Cali Maxamed Axmed waa natiijadii ka dhalatay howshii aan soo wadnay sanadihii lasoo dhaafay ee ku aadanayd sare u qaadista aqoonta”ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghaye Cabdi Qani Saciid Carab oo si weyn ugu mahad celiyay ururada FIFA iyo CAf doorka aan dhamaadka lahayn oo ay ka qaadanayaan horumarinta kubada cagta dalka.

Somali Football Federation Media Department
Email:Somalifootballmedia:gmail.com



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Macallin Soomaaliyeed Oo Markii Ugu Horeysay Casharro Ka Bixinaya Tababarka Garsooreyaasha Fifa], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/macallin-soomaaliyeed-oo-markii-ugu-horeysay-casharro-ka-bixinaya-tababarka-garsooreyaasha-fifa/feed/ 0
Agaasime Matthias Sammer: Manchester United Ha Iska Ilowdo Helitaanka Toni Kroos http://hiilkubad.com/agaasime-matthias-sammer-manchester-united-ha-iska-ilowdo-helitaanka-toni-kroos/ http://hiilkubad.com/agaasime-matthias-sammer-manchester-united-ha-iska-ilowdo-helitaanka-toni-kroos/#comments Sun, 02 Feb 2014 10:07:12 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=15583
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Agaasime Matthias Sammer: Manchester United Ha Iska Ilowdo Helitaanka Toni Kroos], All Right Reserved. 2014.
]]>
Toni Kroos

Agaasimaha Guud ee kooxda Bayern Munich Matthias Sammer ayaa shaaca ka qaaday in kubad sameeyahooda reer Jarmal ee Toni Kroos aan laga iibin doonin kooxda Man United isla markaana ay goor dhaw heshiis cusub ka saxiixi doonaan.

24-jirkaan heerka caalami ayaa heshiis qandaraaska loogu kordhinaayo kula jiro kooxdiisa Bayern Munich inkastoo heshiiska uu haatan kula jiro kooxdiisa uu ku egyahay 2015.

Manchester United ayaa bishii January ee dhamaatay laga soo diiday dhowr dalab oo ay u dirtay Toni Kroos waxaana haatan si nadiif ah logu sheegay iney iska hilmaamaan.

“Kama iibin doono Kroos Man United” ayuu agaasime Sammar u sheegay Suddeutschen Zeitung.

“Waxaan dooneynaa inaan sii heysano Kroos, waa mid ka mid ah xidigaha muhiimka ah, maahan wax fudud inaan si deyno xidig isaga oo kala ah, runtaana ah inaan United ay iska ilowdo Kroos”



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Agaasime Matthias Sammer: Manchester United Ha Iska Ilowdo Helitaanka Toni Kroos], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/agaasime-matthias-sammer-manchester-united-ha-iska-ilowdo-helitaanka-toni-kroos/feed/ 0
MO Farah: Waxan ku raaxeystaa oo kaliya daawashada kooxda aan taageero ee Arsenal. http://hiilkubad.com/waxana-uu-ku-raaxeystaa-oo-kaliya-daawashada-kooxda-aan-taageero-ee-arsenal/ http://hiilkubad.com/waxana-uu-ku-raaxeystaa-oo-kaliya-daawashada-kooxda-aan-taageero-ee-arsenal/#comments Sun, 02 Feb 2014 08:56:41 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=15576
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [MO Farah: Waxan ku raaxeystaa oo kaliya daawashada kooxda aan taageero ee Arsenal.], All Right Reserved. 2014.
]]>
farah_kenya

Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ayaa muddo saddex bilood ah waxa uu tababar ku qaadanayaa dalka Kenya.

Mo Farah ayaa tababarkan waxa uu ku doonayaa in uu ku guuleysto tartanka
Virgin Money London Marathon.

12 toddobaad ayuusan arki doonin xaaskiisa Tania iyo carruurtiisa oo ku nool dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in xiriirka isaga iyo qoyska ka dhexeeya uu aad u xun yahay maadaama halka uu joogo aysan lahayn Internet wanaagsan oo uu kula sheekeysan karo qoyskiisa.

Toddobaad walba waxa uu cararaa 130 Mile si uu isugu diyaariyo tartanka 26.6-mile. Waxana uu ku raaxeystaa oo kaliya daawashada kooxda uu taageero ee Arsenal.

Tababarka uu ku qaadanayo Kenya ayaa waxa uu ku tilmaamay in nolosha ay u fududeysay,

“Waa cunto cunis,tababar qaadasho iyo hurdo. Balse tababarka ayaa ah kan ugu horeeya.

“Inaan coffee aado ama wax kale ma ahanee waxaan daawadaaa ciyaarta kubbada cagta, mana laha wax kale oo aad samayso.”ayuu sii raaciyay.

Nasiib wanaag Mo kalinimada uu ku yahay Kenya waxa ay u tahay fursad uu mar walba ku daawan karo kooxda Gunners, isagoo hore fursado badan ugu heli jirin gurigiisa Portland,Oregon Maraykanka.

“Waqti walba waxaan daawadaa Arsenal,”ayuu yiri isagoo qoslaya. “Waqti dheer uguma farxin sida ay kooxda hadda tahay Ozil oo kooxda ku soo biirayna waxa ay kooxdu noqotay mid adag.

Mo Farah ayaa rajo ka muujiyay in kooxda uu taageero ee Arsenal ay koob ku guuleysan karto.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [MO Farah: Waxan ku raaxeystaa oo kaliya daawashada kooxda aan taageero ee Arsenal.], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/waxana-uu-ku-raaxeystaa-oo-kaliya-daawashada-kooxda-aan-taageero-ee-arsenal/feed/ 0
Mario Balotelli “Tevez Waxaan Rabay Inuu AC Milan Igula Soo Biiro!” http://hiilkubad.com/mario-balotelli-tevez-waxaan-rabay-inuu-ac-milan-igula-soo-biiro/ http://hiilkubad.com/mario-balotelli-tevez-waxaan-rabay-inuu-ac-milan-igula-soo-biiro/#comments Sat, 28 Sep 2013 11:03:58 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=2658
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Mario Balotelli “Tevez Waxaan Rabay Inuu AC Milan Igula Soo Biiro!”], All Right Reserved. 2014.
]]>
 

 

 

 

 

 

 

 

madax dhiiqoWeeraryahanka naadiga AC Milan Mario Balotelli ayaa ka dhawaajiyay inuu marwalbo ku riyoon jiray sidii isaga iyo saaxiibkiis Carlos Tevez dib ugu midoobi lahaayeen kooxda AC Milan,

Super Mario ayaa sheegay in isaga iyo Tvez ay ku dhibanaayeen naadiga Man City sidoo kalena wada rabeen inay isaga baxsadaan cadaadiskii uu ku yahay macalin Roberto Mancini kadib markii Balotelli bilawgii sanadkan ay u suura gashay inuu AC Milan usoo dhaqaaqo wuxuu xidigan rajo weyn ka qabay in bilawgii xili cayaareedkan.Tevez isna Milan imaan doono balse nasiib daro midaas ma dhicin wuxuuna weeraryahanka reer Argentina go’aansaday inuu kooxda Juventus ku biiro.

Mario oo u waramaayay wargeska Gazzetta dello Sport wuxuu yiri “Carlos waa cayaaryahan aad u wanaagsana waxaana waqti wanaagsan ku wada qaadanay Man City marar badan ayaa wacay bilawgii sanadkan waxaana isku dayay inaan ka dhaadhiciyo sidii uu Milan ku imaan lahaa balse nasiib daro go’aan aan ka fileyn ayuu qaatay wuxuuna naga doortay kooxda Juventus!” sidoo kale xidigan ayaa la weydiiyay inuu cayaaraha iska dhaafi doono madaama rabshadiisa badatay wuxuuna kaga jawaabay “xitaa Lionel Mess iyo Cristiano Ronaldo way caroodaan marka maxay tahay sababta aan cayaaraha uga fariisan doono hadafkeyga wuxuu yahay inaan waqti dheer garoomada kusii jiro”

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Mario Balotelli “Tevez Waxaan Rabay Inuu AC Milan Igula Soo Biiro!”], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/mario-balotelli-tevez-waxaan-rabay-inuu-ac-milan-igula-soo-biiro/feed/ 0
Barcelona Oo Guul Dirqi ah Ka Gaartay Sevilla Xilli ay Heshay Goolka Guusha Daqiiqadihii Dheeriga ahaa http://hiilkubad.com/barcelona-oo-guul-dirqi-ah-ka-gaartay-sevilla-xilli-ay-heshay-goolka-guusha-daqiiqadii-dheeriga-aheyd/ http://hiilkubad.com/barcelona-oo-guul-dirqi-ah-ka-gaartay-sevilla-xilli-ay-heshay-goolka-guusha-daqiiqadii-dheeriga-aheyd/#comments Sat, 14 Sep 2013 19:54:46 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=1343
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Guul Dirqi ah Ka Gaartay Sevilla Xilli ay Heshay Goolka Guusha Daqiiqadihii Dheeriga ahaa], All Right Reserved. 2014.
]]>
317164_herol

waxaa soo idlaaday Kulan xiiso badnaa oo  dhex maray Kooxaha Barcelona Iyo Sevilla wuxuuna kusoo dhamaaday 3-2  oo ay guusha ku raacday Barcelona.

Kulanka oo ku bilowday Dardar Isla markaasna Ay Barcelona iska baashaaleysay iyadoo soo bandhigtay Baaskii lagu yaqiinay ayaa daqiiqadii 36 waxaa u suurtagashay inay Hesho Goolkii ugu horeeyey oo uu u saxiixay Laacibka Reer Brazil Daniel Alves.

Goolkaas kadib Kooxda Sevilla ayaa isku dayday inay soo taabato shabaqa Barcelona iyadoo soo qaaday weeraro is xigxiga laakiin uma aysan suurta gelina waxaana mar labaad Shabaqa gool ku hubsaday Laacibka Adduunka Lionel Messi daqiiqadii 75 ee qeybtii dambe cayaarta.

Sevilla oo aan quusan ayaa waxay haddana soo qaadeen weerar sida daadka oo kale ah waxayna heleen daqiiqadii 80-aad goolka agoonka waxaana lugtiisa ku dhaliyey Ivan Rakitic.

Kooxda Sevilla ayaa ka nixisay Barcelona kadib markii daqiiqadii 90 ay heshay Goolka Barbardhaca iyadoo la isl lahaa kulankaan sidaan ayuu kusoo dhamaaday ayaa daqiiqdihii  dheeriga ahaa ee cayaarta lagu daray waxaa guusha Barcelona gacanta u geliyey Laacibkooda  A. Sánchez waxayna kusoo idlaatay 3-2 oo ay Barcelona ku badisay.

Haddii kulankaan barbardha uu ku djhama



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Barcelona Oo Guul Dirqi ah Ka Gaartay Sevilla Xilli ay Heshay Goolka Guusha Daqiiqadihii Dheeriga ahaa], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/barcelona-oo-guul-dirqi-ah-ka-gaartay-sevilla-xilli-ay-heshay-goolka-guusha-daqiiqadii-dheeriga-aheyd/feed/ 0
Xaflad Dib Loogu Soo Dhisaayey Kooxdii Gaadiidka Oo Muqdisho Ka Dhacday http://hiilkubad.com/xaflad-dib-loogu-soo-dhisaayey-kooxdii-gaadiidka-oo-muqdisho-ka-dhacday/ http://hiilkubad.com/xaflad-dib-loogu-soo-dhisaayey-kooxdii-gaadiidka-oo-muqdisho-ka-dhacday/#comments Sat, 14 Sep 2013 19:36:26 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=1337
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xaflad Dib Loogu Soo Dhisaayey Kooxdii Gaadiidka Oo Muqdisho Ka Dhacday], All Right Reserved. 2014.
]]>
 2020-09-14-269

Waxaa Maalinimadii shalay, Xaflad weyn lagu qabtay Hotelka Mogadishu Guests House, ee Degmadda Cabdicasiis, xafladaas oo looga gol lahaa dib usoo nooleeyntii Naadiga Kubadda Cagta ee Gaadiidka

Naadiga Gaadiidka Oo aan garoomada lagu Arag Tan iyo Markii ay Dhacday Dowladdii Dhexe Ee Soomaaliya ayaa Xafladaas  Dib loogu soo dhisay  Iyadoo halkaasina lagu bedelay magacii Kooxdii  Mogadishu City ee ka Ciyaareysay  heerka kowaad ee horyaalka soomaaliya waxaana Maanta wixii Ka dambeeyo loogu Magac Daray Gaadiidka.

 Xafladaan ayaa waxaa  kasoo qeyb galay  Wasiirka Warfaafinta, Gaadiidka, Boostadda iyo Isgaarsiinta Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in dib loo soo nooleeyo Naadigii Gaadiidka oo hoostaga wasaaradda uu xukumo.

 Naadiga Gaadiidka ayaa ah naadigii ugu horeeyey ee Dalkan laga aas aasay, sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Cali Gacal Gaaboow oo ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

  Dhanka kale waxaa isna goobta kahadlay Xoghayaha Naadiga Gaadiidka Bille Maxamuud Jimcaale, isagoo carabka kudhuftay inuu aad ugu faraxsanyahay inay kuciyaaraan Magaca Gaadiidka.

Naadigaan ayaa ku ciyaari jiray Magaca Muqdisho City, iyagoo wacdaro kasoo dhigay sanadkii hore Horyaalka Heerka labaad ee Dalka Soomaaliya, hadfana waxa ay kamid yihiin sideeda kooxood ee heerka koowaad, hada wixii kadambeeyana waxay ku ciyaari doonaan Magaca Gaadiidka.

Dhamaan dadka kasoo qeyb galay xafladaan ayaa ahaa dad taariikh, magac iyo mansab kuleh Taariikhda Sports ee Dalka Soomaaliya.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Xaflad Dib Loogu Soo Dhisaayey Kooxdii Gaadiidka Oo Muqdisho Ka Dhacday], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/xaflad-dib-loogu-soo-dhisaayey-kooxdii-gaadiidka-oo-muqdisho-ka-dhacday/feed/ 0