Home » Latin America » Arturo Vidal Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Arturo Vidal Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


Vida

Shabakada Hiilkubad oo marwalbo u taagan inay ka jawaabto codsiga aqristayaasheeda sharafta leh ayaa maanta idiin heyso xog ku saabsan nolosha gaarka ah ee Arturo Vidal waxaana naga codsaday aqriste magaciisa kusoo koobay Maahir Mahad, Vidal wuxuu ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan haatana waa mashiinka kooxda Juventus ay ku faanto sidoo kalena xagaagan xulkiida Chile ayuu koobka aduunka kala qayb qaadan doonaa balse waxaan idiin heynaa xog ka dheeri ah waxqabadka uu garoonka kusoo bandhigo fadlan hoos kaga bogo:

4

Vidal wuxuu ku dhashay caasimada dalka Chile Santiago sidoo kalena waa wiilka labaad qoys ka kaboon lix caruur ah xidigan wuxuu kusoo caan baxay naadiga Colo-Colo balse Bayer Leverkusen ayaa qaarada Yurub keentay haatana Juventus ayaa ka faa’iideesato waxqabadkiisa wanaagsan, Vidal waxaa u dhaxdo oo uu qabaa gabadha lagu magacaabo Maria Teresa Matus waxayna labadan lamaanesi rasmi ah u aqal galeen sanadii 2009.

Vidal iyo Maria Teresa Matus waxaa u joogo wiil qurux badan oo lagu magacaabo Alonso Vidal, labadan 3-sano ee ugu dambeesay waxay ku wada noolaayeen magaalada Turin  ee dalka Talyaaniga ah sidoo kalena Maria Teresa Matus waxay sheegtay inay xagaagan koobka aduunka saaxiibkeed Vidal taageeri doonto sidoo kale wiilkooda Alonso isagana kama hari doono wuxuuna fursad u heli doonaa inuu dalka Brazil qeybihiisa kala duwan kusoo dalxiiso.

Maria Teresa Matus Arturo Vidal and his wife, Maria Teresa Matus and their son, Alonso, spend the day relaxing at the beach.

Arturo Vidal inkastoo uu yahay xidig dagaalamo marka uu garoonka ku jiro sidoo kalena ay ka cabsadaan cayaartooyda kasoo horjeedaan madaama uu si adag u raaco hadana Maria Teresa Matus waxay sheegtay in muuqaalkiisa marka uu garoonka ku jiro iyo noloshiisa caadiga ah uu farqi weyn u dhaxeeyo waxayna ku tilmaantay shaqsi qalbi jilican una roon qoyskiisa!!

5.5


2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Arturo Vidal Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

  1. zeki tulux Reply

    June 7, 2014 at 12:12 PM

    aad baad u mahd santihin dhamaan bahda reer (hiikubad ) wxaan idinka codsanyaa ianaad isoo gudbisaan nolosha laacibiinta brca sida neymar iyi inesta and messi only waad mahd santihiin

  2. cai fiqi Reply

    June 9, 2014 at 3:50 AM

    aad bn uga hely wararka aad soo gudbisaan hiilkabd .com wiilkan iga horeeyey wxaan ku raacey fikirkiisa ah in laacibiinta barcelona ad noloshooda wax nga brtaaan thanx

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close