Aaron Ramsey ayaa suuragaliyay iney Arsenal ku guuleysato koobkii ugu horeeyay mudo sagaal sanadood ah markii uu waqtigii dheeriga ahaa dhaliyay goolka guusha.
Arsene Wenger ayaana soo afjaray abaartii koob la’aan ee Heysatay kooxda mudada dheer, Arsenal ayaana qaaday FA Cupka sanadkaan 2014.
Hull City ayaa bilawday bandhiga goolasha garoonka Wembley kadib markii daafacooda Chester uu dhaliyay gool isku dhacdhacay oo koorno ka yimid daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta.
Hull City ayaa mar kale dheereysatay hogaanka ciyaarta markii ay gool kale ka heshay Curtis Davies daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta inkastoo goolhaye fabinaski uu markii hore kubad halis aheyd badbaadiyay balse Davies ayaa meel cidlo ah ka helay kubada oo u laneeyay Gunners.
Wiilasha Steve Bruce ayaa muujinaya awood dheeri ah Kieron Gibbs ayaana badbaadiyay kubad shabaqa gali laheyd daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta markii uu kubad madaxeeyay Bruce.
Santiego Cazorla ayaa laad xor ah u dhaliyay Gunners daqiqadii 17-aad ee ciyaarta, isagoo Arsenal neefta kusoo celiyay, lugta midig ayuuna ku dhaliyay xidigaan kubad awood laheeyd.
“Finalkaan FA Cupka ayaa noqday finalkii ugu horeeyay ee 17-daqiiqo sadex gool la iska dhaliyo waana rikoor aan wali laga dhigin koobkaan”
Mesut Ozil ayaa kubad dhul ku dhufad ah isku dayay kubad kasoo fakatay Hull City balse kooxda Hull ayaa iska difaacday oo madax isaga saartay daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta.
Aaron Ramsey ayaa kubad abuuray daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta balse xidiga reer Wales ayaa farta ka saaray Olivier Giroud oo ku garaacay xidig ka tirsan Hull City balse Lukas Podolski ayaa darbo culus la beegsaday goolka isla waqtigaa inkastoo ay iska saareen.
Huddlestone ayaa kubad darbo culus la beegsaday goolka Arsenal balse xidigii hore Tottenham Hotspur ayaa kubada kor isaga kiciyay daqiiqadii 33-aad ee cyaarta.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heyso kooxda Hull City, Davies iyo Chester ayaana labada gool u dhaliyay Hull.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa la isku soo laabtay iyadoo kooxda Gunners ay dadaal ugu jirto iney hesho gool barbaro ah halka Hull ay sameyneyso qidad laba waji leh oo weerar iyo difaac leh.
Olivier Giroud ayaa xerada ganaaxa lagu riday markii uu jiiday Huddlestone balse garsoore Lee Robert ayaana arkin qaladkaas daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta.
Arsenal ayaa culees saartay goolka Hull City, Laurent Koscielny ayaana madax ku sigay kubad koorno aheyd oo uu soo tuuray Santi Cazorla daqiiqadii 64-aad ee ciyaarta.
Santiego Cazorla ayaa helay kubad u furneed goolka balse xidig reer Spain ayaa dhulka lagu riday daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta inkastoo aan qaladkii laga galay loo dhigin, [Rigoore ayey aheyd balse looma qaban].
Waxey sugtaba Arsenal ayaa heshay goolkii barbardhaca markii Laurent Koscielny uu dhaliyay goolka ka farxiyay kumanaanka kun ee jooga Wembley kuwaas oo daacada u ah Arsenal, kuabd koorne aheyd oo ay laba xidig kusoo xifaaltameen ayuu meel fudud ka helay daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta.
Kieron Gibbs ayaa iska qasaariyay fursadii ugu qaalisaneed ee Arsenal soo marta ciyaarta markii xidiga reer England uu helay kubad goolka u furneed oo, balse daafacaan bidix ayaa kor iska mariyay kubada ay ka naxeen jamaahiirta Gunners.
Gunners ayaa cadaadis aad u badan saareysa goolka Hull City, Olivier Giroud ayaa diilinta ganaaxa kubad darbad xoogan goolka kala beegsaday balse goolhayaha ayaa iska diiday oo ka inkiray daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta.
Yaya Sanogo ayaa isku dayay inuu soo afjaro ciyaarta dhamaadkeedii, balse uma noqon, ugu dambeyntiina ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-2.
Sida sharciga ah waxaa ciyaarta lagu kordhiyay 30-daqiiqo oo kala bax ah, Gunners ayaana culeys sii saarta Hull, Santi Cazorla ayaana u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Gunners markii ugu horeysay balse birta ayaa ka beenisay daqiiqadii 96-aad ee ciyaarta.
Aaron Ramsey ayaa kubad fiican la ciyaaray Giroud isagoo meel wacan ka helay kubada balse goolka ayuu ag mariyay daqiiqadii 99-aad ee ciyaarta.
Wilshere iyo Rosicky ayaa wax ka badalay qaab ciyaareedka kooxda waxeyna heleen goolka guusha markii Giroud uu kubad cirib aheyd u dhiibay Ramsey oo shabaqa dhex dhigay goolka Hull City daqiiqadii 109-aad.
Yaya Sanogo ayaa is dhiirigaliyay isagoo u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Arsenal balse ciyaarta ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaatay 3-2.
Arsenal ayaa 9-sano kadib ku guuleysatay koobkii ugu horeeyay iyadoo kor u qaaday FA Cupka.
mohaa
May 17, 2014 at 9:49 PM
Kjjkkjk abaarta kabaxa rer arsenal caawa farxad kusexda
Mustaf Ozil
May 17, 2014 at 10:01 PM
hambalyo gunners iyo wixii taageero waan dulqaadanay waa mareenii san u bilawnay waaye
Farxaan Blues
May 17, 2014 at 10:03 PM
walaalaheen reer London waad samirteen waadna u qalanteen caawa inaad qaadaan FA Cupka
Mahad Yare
May 17, 2014 at 10:04 PM
hadaa nahay taagero man united waxaan leenahay waad ciilqabteene caawa farxad ku seexda kkkkkkkkkkkkkkkkkkk fa cup maad saan ugu faraxsan tihiin
Young-MOHA
May 17, 2014 at 10:05 PM
Viva gunners iyo taageerayasheeda dulqaadka badan caawaan seexan karnaa naga tag dheh wuu naga fujiyay ramsey lugtaada kor dheh
hambalyo hambalyo
Young-MOHA
May 17, 2014 at 10:06 PM
hiilkubad waad mahad santihiin sida aad heegan u tihiin tagerayasha arsenal waa salamaa meel walba oo joogaan