Arsenal ayaa bartilmaameed buuxa ka dhiganeysa goolhayaha kooxda Real Madrid iyo Xulka Spain ahna kabtanka labadaba Iker Casillas kaas oo ay mudo badan ku raad joogtay waxeyna doonayaan iney xagaagan kusoo biiriyaan garoonka Emirates ee waqooyiga London ku yaala sida ay shaacisay Football Espana.
Wararka ka imaanaya London ayaa qeexaya in Wenger uu doonayo inuu Casillas ka dhigto dooqiisa koowaad wuxuuna ku dhawaaday inuu heshiis la gaaro 2013 balse uma noqon waxeyna markaas aheyd xili uu Casillas waayay kalsoonidi garoonka Bernabue oo ilaa haatan ka maqan madama laga doorbiday Diego Lopez.
Casillas ayaa mudo dheer ku sugan caasimada Spain ee Madrid balse sida laga fahmay xidiga qudhiisa uma eka inuu kusii nagaan doono Bernabue sanado kale waxaana Wenger uu sameyn doonaa doonistii ugu dambeysay.
Sidoo kale warar hor leh oo laga helayo Brazil ayaa sheegaya in Wenger uu u wakiishay soo xerogalinta Iker Casillas xidigaha Santi Cazorla iyo Mesut Ozil kuwaas oo ah saaxiibada ugu dhaw ee xidigaan uu leeyahay.
wholesale NFL jerseys cheap
August 17, 2014 at 2:31 AM
Direct the Kings jersey with Paypal