Xidigaha xulka Holland ugu muhiimsan Arjen Robben ayaa saxaafada la hadlay ka hor kulanka Semi-Finalaha ee caawo xulkiisa la cayaari doono xulka Argentina wuxuuna Robben amaan gaar ah usoo jeediyay Lionel Messi balse laacibka reer Holland ayaa iska diiday inay xooga saari doonaan Messi oo kaliya wuxuuna sheegay in nidaamka Holland caawo ku cayaari doonin uu yahay mid si guud ay isaga ilaalin doonaan halista xidigaha xulka Argentina kaga imaan karto wuxuuna yiri
“Waa run Messi waa xidig aad u wanaagsan sidoo kalena halis nagu ah balse Argentina Messi oo kaliya kuma tiirsano waxaana xulkan ka mid ah xidigo badan oo halis na galin karaan sidaa darted guud ahaan xidigaha Argentina ayaan bartilmaameed ka dhigan doonaa si aysan goolal nooga dhalinin”
Sidoo kale Robben ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka garab cayaarista Messi balse wuxuu meesha ka saaray inuu ka walaacsan yahay halista kasoo wajihi karto kabtanka xulka Argentina wuxuuna yiri “waan ku faraxsanahay inaan Messi ka garab cayaaro balse kama cabsi qabo inaan caawo wajaho waxaaana rajeynaa inaan Argentina ka guuleesano madaama aan tartankan soo badhignay kubad awood ku dheehan”
Xulka Holland ayaa damacsan in tartankii labaad oo xariir ah ay kama dambeesta koobka aduunka soo gaaraan waxaana la xasuustaa in sanadii 2010 Holland ay 1-0 guuldaro kala kulmeen xulka Spain.
nasiib wacan oranje ,