Home » Horyaalada » France League I » Angel Di Maria Oo PSG Caafimaadka Ugu Mari Doona Xarunta Kooxda New York Red Bulls Ee Dalka Mareykanka

Angel Di Maria Oo PSG Caafimaadka Ugu Mari Doona Xarunta Kooxda New York Red Bulls Ee Dalka Mareykanka


angel-di-maria

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska garabka Manchester United Angel Di Maria ayaa kusii dhawaanaya ku biiritaanka kooxda PSG iyadoo lasoo wariyay inuu caafimaadka u mari doono maanta oo Axad ah ka hor inta uusan heshiiska dhameystirin berito oo isniin ah.

Xidigaan reer Argentina waxaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxda faransiiska ka dhisan, iyadoo warbixinada ay sheegayaan in xidigaan uu 46 Malyan Oo Pound ugu wareegayo oo sidaas ay ku heshiiyeen labada kooxood.

L’Equipe ayaa qortay in Di Maria uu ka mid noqon doono kooxda PSG hadii uu caafimaadka gudbo maanta waxaana la shaacin doonaa marka wax walba la dhameeyo.

Di Maria ayaan kasoo muuqan kulamada fasaxa Man United, madama uu Copa America xulkiisa la tiigsaday Finalka balse waxaa ka qaaday Chile.

Si kastaba warbixinada ayaa sheegaya in Angel Di Maria uu xarunta kooxda New York Red Bulls caafimaadka ugu mari doono PSG maanta.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>