Xidiga reer Argentina Angel Di Maria xili cayaareedkan wuxuu kaalin muuqato ka qaatay inay Real Madrid hanato markeedii 10-aad koobka horyaalada Yurub sidoo kalena Di Maria xili cayaareedka goolasha ay Cristiano Ronaldo, Karem Benzema iyo Grathe Bale dhaliyeen intooda badan lugtiisa ayay ka baxeen madaama uu dhiibay 23-kubadood oo ay xigaha Madrid dhaliyeen! balse waxaan idiin heynaa xog gaar oo ku saabsan xidigan iyo noloshiisa gaarka ah fadlan hoos kaga bogo:
Jorgelina Cardoso waa xaaska Angel Di Maria waxayna labadan lamaane si rasmi ah u aqal galeen July 2011 kadib markii mudo 2-sano ah ay saaxiibo ahaayeen sidoo kale Cardosa iyadana waa reer Argentina waxayna haatan labadan lamaane ku wada nool yihiin magaalada Madrid, gabadhan ayaa 6-sano ka weyn Di Maria waxaan dhawaan noloshoosa kusoo biiray Mia oo dhalatay bartamihii 2013 waxayna ahayd markii ugu horeesay oo uu Di Maria aabo noqday!
Jorgelina Cardoso ayaa ah taageerayaasha ugu weyn ee Angel Di Maria sidoo kalena kulan walbo oo uu xidigan cayaarayo way usoo daawasho tagtaa, dhawaan Di Maria wuxuu ka dhawaajiyay in heerka uu kubada cagta ka gaaray inay Cardosa sabab u tahay wuxuuna yiri “runtii Cardosa marwalbo niyada ayay ii dhistaa waxayna igu guubaabisaa inaan tiigsado heer sare sidaa darteed heerka aan maanta taaganahay iyada ayaan kaga mahad celinaa!!”
Madaama Di Maria uu dhawaan ku guuleestay koobka horyaalada Yurub dabcan xidigan farxad uma dhino sidoo kalena Cardosa iyadana sharaf weyn ayay u tahay in seygeeda uu Real Madrid u heersado hanashada La Decima.
Maahir mahad
June 2, 2014 at 9:18 PM
Asc dhaman bahda hiilkubad.com waxan idinka codsanayana noloshada xidiga arturo vidal nolashisa gaarka ah