Home » Horyaalada » Bundesliga » 8-Xaqiiqo Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Arjen Robben Ka Ogaatid

8-Xaqiiqo Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Arjen Robben Ka Ogaatid


Robben

Arjen Robben shaki kama taagno inuu ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena magaciisa heer sare ayuu gaaray waxaa intaas usii dheer inuu Bayern Munich guulo taariikhi ah la qeebsaday , hadaba Robben waa xidig dhalinta aad ugu wanaagsan sidoo kalena daafacyada kasoo horjeedaan argagagx ku abuuro runtii lugtiisa bidix waa halis aan maaro loo heli karin! waxaan idiin heynaa 8-xaqiiqo oo xidigan u gaar ah dabcan waxaan rajeyneynaa inaad  ka heli doontaan xaqiiqooyinkan Robben gaarka u ah:

  • Ma ogtahay in Robben 13-sano ee uu cayaaraha ku dhex jiray in hal xili cayaareed xitaa uusan si toos ah u dhameesanin! tani waxay ka dhigan tahay in xili cayaareed walbo uu dhaawac ku maqnaado qayb ka mid ah ha yaraado ama ha badnaado dhaawacaas!!
  • Robben wuxuu la mid yahay Cristiano Ronaldo waayo marar badan ayuu goolal dhaliyay cayaar Final ah wuxuuna kooxdiisa Bayern goolal u dhaliyay marar badan oo ay Final soo gaartay German Cup xita Champion-ka sanadkii hore ayuu Dortmund ka dhaliyay.
  • Robben inta badan lugta bidix ayuu goolashiisa ku dhaliyaa waxaana xusid mudan in 83-kulan ee uu Bayen iyo xulkiisa Holland u dhaliyay inuu lugta bidix ku dhaliyay sidoo kalena 6-gool lugtiisa midig ayuu ku dhaliyay halka 5-gool-na uu madaxa ku dhaliyay tani waxay ka dhigan tahay in 88% goolashiisa uu lugta bidix Arjen ku dhaliyo!
  • Robben waxaa xaqiiqo ah goolashiisa ugu badan koobka horyaalada Yurub ee uu Bayern u dhaliyay inuu kulamada knock-out-ka ama kala baxa ah dhaliyay weliba 12-ka mid ah 16-gool ee uu Bayern dhawaan u dhaliyay kulama kala baxa ah ayuu dhaliyay inta badana kooxaha waa weyn ayuu xidigan u gaasadaa!!
  • Sidoo kale Robben waa xidig inta badan qaladaad galo mana loo maleeyo waayo Foul-kiisa ayaa badan marka uu garoon ku jigo wuxuuna sameeyaa jalaafooyin badan sidaa darteed kulan walbo ugu yaraan labo qalad ayuu galaa inkastoo uu weeraryahan yahay daafacana ka cabsadaan!!
  • La Yaab waxaa ah in Robben goolashiisa ugu badan uu lugta bidix ku dhaliyo halka kubadiisa ugu badan oo ay xidigaha Bayern dhaliyaan uu lugta midig ku dhiibo ama ku baaso!
  • Inkastoo Arjen lagu eedeeyo inuu yahay cayaaryahan dhuuni ah sidoo kalena kubada aan saaxiibadiisa siinin hadana tan iyo markii uu saaxada kubada soo koray wuxuu xidigan dhiibay 142-kubadood sidoo kalena guud ahaan 170-gool ayuu dhaliyay naadiyadii kala duwanaa ee uu usoo cayaaray, xisaab ahaan Robben marwalbo oo uu 6-gool dhaiyo 5-kubadood ayuu dhiibaa hadaba deeqsi miyaa mise waa dhuuni adiga go’aan ka gaar!!
  • Robben waa xidiga ugu qaalisan Bundesligaa dhamaan laacibiinta ku sugan marka la isku daro lacagihii guud ee xigan naadiayadii iibsadeen, asigoo 18-jir ah naadiga PSV waxay €4.3 millionkaga soo iibsatay kooxda Groningen sanadii 2002, kadib Chelsea ayaa €18m kaga soo iibsatay naadiga PSV sanadii 2004 sidoo kale Real Madrid ayaa iyadana sanadii 2007 Blues kaga soo gadatay €36m ugu dambeyntiina Bayern Munich ayaa sanadii 2009 Madrid kaga soo iibsatay €24m sidaa darteed ma jiro xidig Bundesligaha ku sugan ee Robben la mid ah dhanka lacaga lagu iibsaday!!

3 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: 8-Xaqiiqo Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Arjen Robben Ka Ogaatid

  1. ahmed deeq Reply

    May 8, 2014 at 6:23 AM

    Fadlan noosoo gudbiya taariikhda s.cazorola

  2. cabdi casiis boosh cade Reply

    May 8, 2014 at 2:13 PM

    fadlan noo soo diyaariya taariikh santiago cazorla

  3. Safidinho Safidiin Yare Reply

    May 10, 2014 at 12:55 AM

    Fadlan taarikh Nolaledka Santi cazorla

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close