Home » Horyaalada » La liga » 20-sano Ee Ug Dambeesay Iyo 5-weeraryahan Ee Dunida Ugu Wanaagsan:

20-sano Ee Ug Dambeesay Iyo 5-weeraryahan Ee Dunida Ugu Wanaagsan:


Top five forwards of last 20 years

Doorka weeraryahanka wuxuu yahay inuu goolal badan dhaliyo sidoo kalena kooxdiisa ka caawiyo inay ka bad baado halista soo wajihi karto sidaa darteed waxaa dhawaan lasoo bandhigay 5-weeraryahan ee dunida ugu wanaagsan gaar ahaan 20-sano ee aan kasoo gudubnay wacdaraha ka dhigeen masraxa garoomada, inkastoo caalamka ay soo mareen 20-sano ee aan kasoo gudubnay xidigo shabaqa saaxiib la ah sidoo kalena tayadooda aad u sareeyo hadana waxaa si gaar ah looga soo dhex xulay 5-weeraryahan oo lagu doortay in wax qabadkooda uu aad u sareeyo, hadaba hoos kaga boogo weeraryahanada loo doortay inay dunida ugu wanaagsan yihiin 20-sano ee aan kasoo gudubnay:

5. Filippo Inzaghi: 40-jirkan u dhashay dalka Talyaaniga wuxuu usoo cayaaray naadiyo farabadan balse kooxaha Juventus iyo AC Milan, weeraryahankan waxay Milan sanadii 2002 £17 million kaga soo iibsatay kooxda Juve guud aha Inzaghi wuxuu dhaliyay 288-gool asigoo cayaaray 623-kulan intii uu kubada cagta kusoo jiray.

koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:

Juventus: 1-Serie A, 1- Supercoppa Italiana

AC Milan: 2-Serie A, 2-UEFA Champions League, 1-Copa Italia & FIFA Club World Cup

Xulka Italy: 2006 FIFA World Cup

4. Andriy Shevchenko: Lama iloobi karo halyeegan wixii uu kubada cagta kusoo kordhiyay intii uu la joogay kooxaha Dynamo Kyiv iyo AC Milan, weeraryahankan mudadii 8-sano ee uu Milan ka tirsanaa wuxuu dhaliyay 175-gool  asigoo u saftay 322-kulan sidoo kale xulkiisa Ukraine wuxuu u saftay 111-kulan asigoo u dhaliyay 4-gool.

koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:

Dynamo Kyiv: 5- Ukrainian Premier League, 3- Ukrainian Cup

AC Milan: 1-Serie A, 1-Copa Italia, 1-UEFA Champions League

Chelsea: FA Cup & League Cup

3. Thierry Henry: halyeega reer France iskoorada uu ka dhigay Premiership-ka weli lama jebin sidoo kalena waxaa la iloobi karin inuu Arsenal u qaaday horyaal aan laga badin haka reebin xulka France guulo taariikhi ah ayuu la qeebsaday wuxuuna Arsenal u dhaliyay 228-gool asigoo u saftay 377-kulan maal mihiisii cayaareed ee ugu dambeeyay Barcelona ayuu guulo taariikhi ah la qeebsaday.

koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:

Monaco: 1-Ligue 1 France

Arsenal: 2- Premier League, 3-FA Cup

Barcelona: 2-La Liga, 1-UEFA Champions League, Copa del Rey, FIFA Club World Cup

Xulka France: 1998 FIFA World Cup & Euro 2000

2. Raul Gonzalez: ruug cadaagan 16-sano ayuu magaalada Madrid ku qaatay wuxuuna Real la qeebsada guulo taariikhi ah sidoo kalena waa xidiga ugu goolasha badan koobka horyaalada Yurub, Raul 323-gool ayuu Madrid u dhaliyay asigoo u saftay 741-kulan dhamaan tartamada kala duwan.

koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:

Real Madrid: 6-La Liga, 3-UEFA Champions League, 3- Supercopa de Espana

1. Ronaldo: mucjisada reer Brazil 4-naadi oo caalamka laga tixgaliyo ayuu usoo cayaaray waayihiisii cayaareed ee ugu quruxda badnaa, guud ahaan intii uu kubada cagta kusoo dhex jiray wuxuu dhaliyay 352-gool asigoo cayaaray 518-kulan mudo 18-sano ah ayuu garoomada kusoo jiray haka reebin xulkiisa Brazil guulo aan la iloobi karin ayuu la qeebsaday.

koobabkii ugu caansanaa ee uu ku guuleestay:

Barcelona: UEFA Cup Winners’ Cup, Copa del Rey & Supercopa de Espana

Inter Milan: UEFA Cup

Real Madrid: La Liga, Intercontinental Cup & Supercopa de Espana

Xulka Brazil: 2-FIFA World Cup (1994 & 2002), 2-Copa America (1997 & 99), 1- FIFA Confederations Cup.

Xidigo mudan in liiskan lagu daro balse laga reebay: Samuel Eto’o, Gabriel Batistuta, Ruud van Nistelrooy, Hernan Crespo, Dennis Bergkamp, Henrik Larsson, Eric Cantona, Alan Shearer and Alessandro Del Piero.


Waxaa Aqrisay: (1208)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>