Tababaraha xulka Argentina Alejandro Sabella ayaa dhawaan magacaabay 30-cayaaryahan ee xulkiisa u matali doonaan koobka aduunka inkastoo oo ugu dambeyntii 23-xidig xulan doono hadana tababarah mayalka adag wuxuu qaatay go’aanka caalamka oo idil ka yaabiyay madaama uu xidigo dunida muctarif ka ah uu xulkiisa k reebay sidaa darteed waxaan idiin soo xulnay 11-xidig oo u qalmeen inay Argentina xagaagan koobka aduunka kala qayb qaataan balse nasiib daro uu macalin Sabella iska iloobay laacibiintan sababo isaga u gaar ah, xul Argentina mudo 28-sano ka hor ayaa ugu dambeesay inay ku guuleestaan koobka aduunka sidoo kalena macalin Alejandro Sabella wuxuu xushay xidigo awood badan oo ay ugu horeeyaan Lionel Messi, Sergio Aguero, Angel Di Maria, Javier Mascherano iyo Pablo Zabaleta, hadaba sidee u aragtaa 11-xidig ee laga tagay ma lagu qaldamay go’aankii lagu reebay:
Goolhaye: Willy Caballero (Malaga)
Daafaca: Federico Fazio (Sevilla), Mateo Musacchio (Villareal), Javier Zanetti (Inter Milan)
Khadka dhexe: Nicolas Gaitan (Benfica), Esteban Cambiasso (Inter Milan), Javier Pastore (PSG), Claudio Yacob (West Brom)
Weerarka: Carlos Tevez (Juventus), German Denis (Atlanta), Diego Milito (Inter Milan)
mustaphe mmi
May 16, 2014 at 10:42 AM
hadaan ra’ayigeyga kahadlo weykukhaldanyihiin waayo laacibiin badan oo waxbadan qaranka utari lahaa ayuu katagay tabaruhu inkastoo uu lcbiin badan oo khatara wato by mmi