Waa markale iyo maqaalkeenii aan kaga hadleenay kooxaha ugu awooda roon qaarada Yurub iyo cayaartooyda u joogaan qiimaha ay ku fadhiyaan, maantana waxaan wada gorfeen doonaa naadiga Arsenal iyo xidigaha ku sugan qiimaha ay Yurub ka joogaan, guud ahaan Gunners-ka waxaa u diwaan gashay 27-cayaaryahan oo lagu qiimeeyay 342.5-milyan oo euro ah, sidoo kale 27-cayaaryahan ee kooxdan ku sugan 22-ka mid ah uma dhalanin dalka England ama waa ajinabi, sidaa darteed laacibiinta Emirates ku sugan 82% waa ajinabi! Macalin Arsene Wenger 11-ka xidig ee uu ku kalsoon yahay waxay ku fadhiyaan qiimahan hoos ku qoran:
Goolhaye: Wojciech Szczesny (23-sano, €14m)
Daafaca: Per Mertesacker (28-sano, €16m), Laurent Koscielny (28-sano, €17m), Bacary Sagna (30-sano, €12m), Kieran Gibbs (23-sano, €11m).
Khadka dhexe: Jack Wilshere (21-sano, €33m), Aaron Ramsey (22-sano, €13m), Santi Cazorla (28-sano, €30m), Mesut Özil (24-sano, €50m)
Weerarka: Theo Walcott (24-sano, €27m), Olivier Giroud (26-sano, €16m)
Qiimaha guud ay ku fadhiyaan: €239m
La soco kooxda aad jeceshahay qiimaha ay ku fadhiso cadadkeena xiga!,
stephan el shaarkey
September 17, 2013 at 2:16 PM
Man utd