Anagoo tixgalineyno codsiga aqristayaasheena sharafa leh waxaan maanta falanqeyn doonaa qiimaha ay ku fadhiyaan 11-ka xidig ee uu macalin Jose Mourinho jecel yahay inuu todobaad walbo ku dagaal tago, balse marka hore aan warbixin guud idinka siino xidigaha ku sugan garoonka Stamford Bridge waxaa lagu sheegay tiro ahaan 25-cayaaryahan waxaana ajinabi ka ah 20-xidig tani ayaa ka dhigan in 80% xidigaha Chelsea ka tirsan ay yihiin kuwo ajinabi ah ama aanan u dhalanin dalka England! Guud ahaan xidigaha Chelsea ku sugan waxaa lagu qiimeeyay €459m balse waxaan si gaar ah maanta uga hadli doonaa qiimaha ay suuqa Yurub ka joogaan 11-ka xidig ee uu tababare Jose Mourinho ku faano:
Goolhaye: Cech, Petr (31-sano, €25m)
Daafaca: David Luiz (26-sano, €29m), Terry, John (32-sano, €10m), Cole, Ashley (32-sano, €8m), Ivanovic, Branislav (29-sano, €22m)
Khadka dhexe: Lampard, Frank (35-sano, €3.5m), Ramires (26-sano, €27m), Oscar (22-sano, €30m), Hazard, Eden (22-sano, €42m)
Weerarka: Schürrle, André (22-sano, €22m), Eto’o, Samuel (32-sano, €12m)
Qiimaha guud ay ku fadhiyaan: €230.5m!
Waxaa Aqrisay: (559)