Kadib markii kooxaha Liverpool iyo Benfica ay heshiiska wada gaareen arinka kubad sameeye Lazar Markovic waxayna Liverpol xidigan ku qaadaneysaa £25m, madaama labadan naadi heshiiskan meel isla dhigeen waxaa lagu wadaa 20-jirkan inuu Anfield soo gaaro si uu tijaabo caafimaad u maro kadibna si rasmi ah loo siiyo maaliyada Reds, hadaba waxaan idiin heynaa 10-xaqiiqo oo ku saabsan xidiga reer Serbia fadlan hoos kaga bogo:
1) Markovic xili cayaareedkii hore ayuu Benfica kusoo biiray wuxuuna markaas kasoo tagay naadiga Partizan asigoo u dhaliyay 13-gool una saftay 46-kulan.
2) Xidigan tayada wanaagsan wuxuu xulkiisa Serbia u saftay 12-kulan sanadii 2012 ayuu xulkiisa u saftay kulankiisii ugu horeeyay ilaa haatana 3-gool ayuu u dhaliyay.
3) Markovic dherirkiisa waxaa lagu sheegay 5 ft ama 1.75 m sidoo kalena waa xidig xawaaro ahaan dheereeyo.
4) Dhawaan David Luiz wuxuu kooxda Chlesea ku booriyay inay Markovic lasoo saxiixdaan wuxuuna ku tilmaamay Luiz wiilkan inuu kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku yeelan doono.
5) Xili cayaareedkii hore Lazor kooxdiisa Benfica wuxuu u saftay 49-kulan dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna u dhaliyay 7-gool asigoo ka caawiyay hanashada horyaalka iyo koobka dalka.
6) Nasiib daro Markovic kooxdiisa Benfica uma cayaarin Finaalihii Europa League madaama uu ganaaxnaa taasina waxay dhashay in kooxdiisa koobka laga qaado!
7) Markovic inta badan wuxuu ka cayaaraa garabka midig ee khadka dhexe sidoo kalena garabka bidix wuu ka cayaari karaa waxaa intaas usii dheer inuu weerarka ka cayaari karo hadii loo baahdo.
8) Xili cayaareedkii 2011/12 Lazor asigoo 18-jir ah wuxuu ku guuleestay laacibkii ugu wanaagsanaa kooxda Partizan sidoo kalena wuxuu ka mid noqday 11-ka xidig ee ugu wanaagsanaa horyaalka Serbia.
9) Xagaagii hore Chelsea ayaa ku sigatay inay xidigan saxiix la gaarto balse way iska dhaaftay waxayna bilawgii sanadkan mar labaad fursad u heshay inay Lazor heshiis la gaarto balse ugu dambeyntii Namenja Matic ayay ka doorbiday.
10) Markovic kulankii ugu dambeeyay ee uu xulkiisa Serbia u cayaaray waxay guuldaro 1-0 kala kulmeen xulka Brazil balse Markovic ayaa noqday geesiga garoonka madaama uu Brazil dhibay gaar ahaan wuxu jah wareeriyay Marcelo oo ugu dambeyntii la badalay madaama uu xidigan dhalinta yar raaci waayay!
Woooooow
Welcome
Lazar Markovic
welcome young star for feuter of anfield
Mahad sanadiin hiilkubad viva LFC
Thanks alot xaqiiqdii warbixinadan okale aad ayay noo anfacayan and also saxiixyada mancity isha noogu haya