Naadiga ku cayaarto garoonka Bernabue Real Madrid ayaa si ramsi ah u sheegtay inay qorsheeneyso saxiixa weeraryahanka xulka Jarmalka iyo naadiga Bayern Munich Thomas Muller waxayna maamulka Real Madrid isku raaceen in xidigan kusoo bar baaray magaalada Munich lagu soo biiriyo Madrid marka uu xili cayaareedkan dhamaado waxayna Real Madrid sheegtay inay dhigeeda Bayern miiska u saari doonto aduun lacageed oo gaarayo €45m inkastoo lacagahan ay yihiin qiimaha uu haatan Muller ka joogo suuqa Yurub hadana waxaa la aaminsan yahay in Bayern Munich aysan fasixi doonin xidigan ka cayaari karo boos badan.
Wargeska Mundo deportivo ayaa ka dhawaajiyay in Real Madrid ay la xariiri doonto wakiilka Muller marka uu xili cayaareedkan dhamaado si uu xidigan ugu soo guuro caasimada dalka Spain, Muller xili cayaareedkii 6-aad ayuu ka tirsan kooxda heerka kowaad ee Bayern Munich wuxuuna kooxdiisa kula guuleestay koobab farabadan sidoo kalena haatan wuxuu ka mid yahay xidigaha uu macalin Pep Guardiola ku xisaabtamo sidaa darteed aadbay ugu adkaan doontaa Real Madrid inay Muller ka dhaadhiciso inuu isaga hayaamo kooxdii uu kusoo bar baaray, waxaa intaas sii dheer in weeraryahankan uu dhawaan heshiis waqtigiisa dheer yahay qalinka ku duugay, Thomas Muller guud ahaan Bayern Munich wuxuu u saftay 231-kulan asigoo u dhaliyay 89-gool balse markan macalin Carlo Ancelotti ayaa siweyn u xiiseenaayo inuu lasoo saxiixdo kana garab cayaarsiiyo Cristiano Ronald iyo Grathe Bale.
Waxaa Aqrisay: (193)