Wararka ka imaanayo dalka France ayaa sheegayo in kooxda PSG ay qorsheyneso inay lasoo saxiixato daafaca xulka Spain Sergio Ramos oo mugdi galay joogitaankiisa garoonka Bernabue madaama ay isku dhaceen maamulka Real Madrid sidaa darteed Paris oo u ragto faa’iido weyn qilaafka ka dhex taagan Ramos iyo kooxdiisa Madrid sidoo kale daafacan waxaa lagu iibsan karaa 45-milyan oo euro ah waana qiimo lacageed oo ay si sahlan ku bixin karto kooxda reer France oo looga bartay inay suuqa Yurub lacago ku faraqdo.
Ramos dhawaan kooxdiisa wuxuu ka dalbaday mushaar aad u farabadan sidoo kalena wuxuu diiday inuu qandaraas cusub qalinka ku duugo waxaana durbadiiba lasoo xariireen kooxaha Chelsea iyo Man City kadib markii kooxdiisa Madrid u sheegtay inuusan u qalmin lacaga uu dalbanaayo haatan PSG ayaa xog fiican ka heshay xaalada ka dhex taagay Ramos iyo kooxdiisa Real waxay u balan qaaday inay siin doonto 10-milyan oo euro ah waxaana la dhihi karaa waa labo laab mushaarka uu haatan Madrid ka qaato, Milkiilaha kooxda Paris Naseer Al Khalifa oo xiriir wanaagsan la leh kooxda Real Madrid ayaa sheegay inuu marwalbo ilaalan doono xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeyo kooxda reer Spain wuxuuna wacad ku maray inuu Ramos kooxdiisa u iibin doono hadii Madrid ay suuqa soo dhigto bisha Janaayo ama marka uu xili cayaareedkan dhamaado.
Waxaa Aqrisay: (2799)