Manchester City ayaa u dhaqaaqday soo xerogalinta kubad sameeyaha da’da yar ee xulka Spain iyo kooxda Real Madrid Isco kaas oo an boos joogto ah ka heysan kooxdiisa.
Daily Star ayaa shaacisay maanta in 21-jirkii hore Malaga uusan ku faraxsaneen nolosha Bernabue madama kursiga caado looga dhigay waxaana suuragal ah inuu la midoobo macalinkiisii hore kooxda Malaga Manuel Pellegrini oo haatan ku sugan Manchester City.
Kooxda Sheikh Mansuur ayaa aduun dhan £30 Million ku baadi goobeysa wiilkaan kubad sameynta ku wanaagsan iyadoo dooneysa iney soo xerogaliso bisha June sanadkaan hadii Madrid ay aqbasho dalabkaan.
Sidoo kale xidigaan reer Spain waxaa isha ku haya kooxda Ac Milan ee dalka talyaaniga, balse City ayaa guusha u dhaw inkastoo laga yaabo in Real Madrid ay ku lifaaqdo arinta xidigaan xiisaha ay u qabaan Sergio Aguero inkastoo City uusan iib ka aheyn xidiga reer Argentina.
City ayaa dalbatay xidigaan ka hor Real Madrid balse Malaga iyo City ayaa isku fahmi waayay arinta xidigaan mar kale ayeyna soo rogaal celisay.
Waxaa Aqrisay: (173)