Home » Maxaa Cusub » As Roma Oo Dooneysa Iney Bisha January La Wareegto Weeraryahan Ka Tirsan Chelsea, Waa Kee?

As Roma Oo Dooneysa Iney Bisha January La Wareegto Weeraryahan Ka Tirsan Chelsea, Waa Kee?


Roma offered Chelsea striker Ba

Kooxda ka dhisan caasimada talyaaniga ee As Roma ayaa shaaca ka qaaday iney xiiseyneyso mid ka mid ah weeraryahanada kooxda Blues kaas oo kursiga keydka dhibsaday.

Kooxda aa wali laga adkaan 10-kulan oo horyaalka Serie A-da ah ayaa dooneysa iney xoojiso weerarkeeda isla markaaa keento Weerayahanka reer Senegal ee Kooxda Blues Demba Ba.

Horay Roma ayaa kooxda london ka dhisan ee Arsenal kala soo saxiixatay Gervinho balse haatan Demba Ba ayey ku dooneysaa qiimo aad uga hooseeya kii ay Chelsea kasoo bixisay January 2013.

Demba Ba Ayaa Newcastle kaga soo biiray Stamford Bridge balse Rafael Benitez iyo Jose Mourinho ayaan wax tixgalin ah siinin waana sababta uu kaga cararayo Premier Leageu.

Demba Ba ayaa dhaliyay kaliya 3-gool, 12-kulan oo uu saftay xili ciyaareedkaan, kuna darso in Horyaalka Premier League uu dhaliyay kaliya laba gool.

28-jirkaan ayaana Kooxda Roma ay ku dooneysaa aduun dhan €15 million.


Waxaa Aqrisay: (360)

FIKIRKAAGA KA DHIIBO WARBIXINTAAN