Home » Maxaa Cusub » Hordhaca Man United vs Stoke City: Robin Van Persie Oo La Filayo Inuu Kuso Bilowdo

Hordhaca Man United vs Stoke City: Robin Van Persie Oo La Filayo Inuu Kuso Bilowdo


Manchester United v Stoke City - Premier League

Manchester United hadii ay taako kala kulanto maanta Stoke City ayaa la micno noqon doontaa markii ugu horeysay oo seddex kulan oo aysan United guul ku gaarin garoonooda horyaalka Premier League tan iyo bishii October 2005.

Kooxda David Moyes ayaa si aad ah ugu baahan inay ku soo laabtaan wadada guusha ka dib barbaro ay garoonkooda kula kulmeen kulankii ugu danbeeyay ee ay ciyaareen horyaalka oo ay marti u aheyd Southampton.

Yaa Xaadir ah Yaase Ka Maqan?

Weeraryahanka Manchester United Robin van Persie ayaa taam u noqon doona inuu wajaho Stoke City ka dib markii uu seegay kulankii Champions League ee ay ka badiyeen Real Sociedad si uu uga soo kabsado dhaawaca suulka lugta ah iyo mid lugta ah.

Rio Ferdinand iyo Nemanja Vidic ayaa ku soo laaban kara kooxda laakiin Danny Welbeck iyo Tom Cleverley ayaan la fileynin inay ciyaaraan.

Daafacyada Stoke Ryan Shawcross iyo Geoff Cameron ayaa iyagana rajeynaya inay kulankaan diyaar u noqdaan.

Shawcross ayaan tababar qaadanin isbuucii oo dhan sababo la xiriira xumad soo wajahday, halka Cameron uu maqnaa kulankii isbuucii hore sababo dhaawac la xiriira.

TAARIIKH LA XIRIIRTA KULANKAAN

  • Manchester United ayaa badisay sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkooda kula ciyaareen Stoke, iyagoo mudadaas ku dhaliyay 26 gool. Stoke ayaa looga badiyay Old Trafford 11 jeer halka ay barbaro ku galeen kaliya hal jeer tan iyo markii ay guul 1-0 ah ku gaareen bishii April 1976.
  • Stoke ayaa heshay kaliya hal dhibic 11kii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay wajaheen Manchester United. Guushoodii ugu danbeysay waxa ay ku gaareen gurigooda maalintii Boxing Day ee 1984.
  • Waxaa laga joogaa muddo 20 sanadood ah tan iyo markii Stoke ay ugu danbeysay inay ka badiso United tartan kasta.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Man United (4-2-3-1): De Gea; Rafael da Silva, Ferdinand, Vidic, Evra; Carrick, Fellaini; Valencia, Rooney, Januzaj; Van Persie.

Stoke City (4-4-1-1): Begovic; Pieters, Shawcross, Huth, Cameron; Adam, Nzonzi; Arnautovic, Walters; Ireland; Jones.


Waxaa Aqrisay: (247)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>