Home » Maxaa Cusub » Giorgio Chiellini: Waxaan Sugi La’ahay Inaan Kulankeygii 300-aad Juventus U Safto

Giorgio Chiellini: Waxaan Sugi La’ahay Inaan Kulankeygii 300-aad Juventus U Safto


Chiellini

Daafaca xulka Italy Giorgio Chiellini oo haatan fasaxa sanadka cusub qaadanaayo ayaa shaaca ka qaaday inuu u xiisay cayaarista kubada cagta sidoo kalena siweyn uu ugu hanaql taagayo inuu kooxdiisa Juve u saftay kulankii 300-aad, xidigan waxay riyadiisa u rumoobi doontaa marka ay Juve la cayaarto 5-bisha Janaayo kooxda Roma kulankan ka tirsan Serie A-da hadaba Chiellini oo aad ugu faraxsan inuu ku tilaabsado iskoor isaga u gaar ah wuxuu yiri “sharaf weyn ayay ii tahay inaan mudo dheer Juve ka tirsanahay sidoo kalena waxaan sugi la’ahay inaan kulankeygii 300-aad u cayaaro Juve sidaa darteed fasaxa sanadkan cusub marka aan dhameesto dhacdo ii gaar ah ayaan isku diyaarin doonaa”

Giorgio Chiellini sanadii 2005 ayuu Juve kusoo biiray ilaa haatan kooxdiisa 299-kulan ayuu u saftay hadii aan kulamadaas kala saarno qaabkan ayay ugu suura gashay inuu mudada dheer Juve ka tirsanaado: 211-kulan Serie A-da ayuu cayaaray wuxuuna ka dhaliyay 18-gool, sidoo kale Serie B 32-kulan ayuu saftay wuxuuna dhaliyay 3-gool, Copa Italia 13-kulan iyo hal gool, 31-kulan Champions League 1-gool ayuu dhaliyay, 11-kulan UEFA/Europa League wuxuuna ka dhaliyay 1-gool halka Super Copa Italia uu saftay 1-kulan. Juve sanadii 2004 ayay naadiga Livorno kaga soo qaadatay 6-milyan oo euro ah balse xili cayaareedkii 2004/05 naadiga Fiorentina ayaa qaab amaah ahaan lagu siiyay.


Waxaa Aqrisay: (97)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>