Home » Africa » Horyaalka Somalia » Heerka 1-aad » Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Elman vs Heegan

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Elman vs Heegan


Elman

Maalmo nasiino ah kadib waxaa maanta la ciyaari doona horyaalka heerka koowaad ee dalka soomaaliya ee loo yaqaano Nationlink Championship waxaana fooda isdari doona kooxaha Elman iyo Heegan oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalka, labadaan kooxood ayaana ka mid ah afarta koox ee ugu sareeya horyaalka taasoo ka dhigan iney rajo wanaagsan ama mid meel dhexe ahba ay ka yeelan doonaan tartanka horyaalka.

Kooxda Elman ayaa fadhisa booska labaad ee horyaalka iyadoo leh 23-dhibcood waxeyna 4-dhibcood ka hooseyaan Banaadir Sports Club oo berito la ciyaari doonta kooxda LL.PP. Jeenyo, Si Kastaba kooxda Elman ayaa guushii ugu weyneyd horyaalka ka gaartay Savaana kulankii ugu dambeeyay markii ay 8-0 uga adkaadeen xili Sacad Saalax Xuseen uu noqday xidigii ugu horeeyay oo horyaalka ka dhaliya afar gool hal kulan.

Sidoo kale Heegan ayaa kulankii ugu dambeeyay guuldaro kala kulmay kooxda Banaadir Sports Club markii 2-0 lagu garaacay, waxeyna ka riday kaalinta 4-aad iyagoo leh 21-dhibcood inkastoo ay la wadaagaan Jeenyo hadana gool tirsi ayaa looga galay kaalinta 3-aad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close