Home » Horyaalada » Bundesliga » Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!

Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!


FIFA-World-Cup-vs-Champions-League

Tartanka koobka aduunka 2014 wuxuu haatan u muuqdaa mid guul kusoo idlaan rabo sidoo kalena taariikh ahaan tartankii ugu wanaagsanaa ee ebid la qabto ayuu noqon rabaa marka dhinacyo badan laga fiiriyo, waxaa la sheegay in sanadii 2010 tartankii la qabtay ay daawadeen 3.6 billion haatana waxaana la sadaalinaa in tiro intaas ka badan ay caalamka ka daawan doonaan sidaa darteed waxaa marlabaad dib usoo noolaatay doodii ku aadaneed tartankii wanaagsan koobka aduunka iyo koobka horyaalada Yurub hadaba doodaas hoos kaga bogo qaabka loo falanqeeyay:

World Cup Vs Champions League: Inta badan dadka ku xeel dheer naqdinta cayaaraha iyo falanqeynta dhacdooyinka kubada cagta waxay ku doodaan in Champion-ka iyo koobka aduunka uu xiiso badan yahay Champion-ka  madaama tartankan ay sanad walb kasoo muuqdaan xidigaha aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena mudo 7 ilaa 8-bilood ayuu socdaa laakiin koob aduunka 4-sano mar ayaa a qabtaa waxaana mararka qaar dhacdo in xidigaha aduunka ugu caansan qaar ka mid ah aysan soo xaadirin, hadii labo nuqdo lagu soo koobo, marka laga hadlo tayo iyo kubad adag Champion-ka ayaa wanaagsan halka marka laga hadlo xiisaha dadka aduunka ku nool iyo dareen ahaan koobka aduunka ayaa wanaagsan.

Maxay Ka Dhaheen Cayaartooyda Iyo Macalimiita Midka Wanaagsan Labadan Tartan:

Jose Mourinho oo la hadlaayay yahoo sports wuxuu yiri “In badan Champions League ayaa wanaagsan madaama xidigaha aduunka ugu qiimaha badan ay tartankan si joogto ah uga soo muuqdaan sidoo kalena tayo ahaan Champion-ka ayaa sareeyo laakiin koobka aduunka waa dhacdo caalamka u qaas ah sidoo kalena dareen dheeri ah xambaarsan waxaan oran karaa waa dhacdada sports ee aduunka ugu xiisaha badan”

Sir Alex Ferguson “Champions League ma jiro tartan lala bar dhigo tayo ahaan iyo xiiso ahaan sidoo kalena laacibiinta ugu wanaagsan caalamka ayaa marwalbo si joogto ah kaga soo muuqdaan”

Sedex Arimood Oo Uu Champions League Kaga Wanaagsan Yahay World Cup-ka:

1)Waa tartan aan la sadaalin kari: taariikh ahaan koobka aduunka 8-wadan oo kaliya ayaa ku guuleesteen inta badana xulalka awooda badan sida Brazil, Italy, Germany ama Argentina ayaa tartankan meel wanaagsan kasoo gaaraan ama qaadaan, laakiin Champion-ka sidaas ma ahan waayo kooxo aan la fileyn ayaa mararka qaar qaadaan bal xasuuso Marseille (1993), Borussia Dortmund (1997), FC Porto (2003) iyo Liverpool (2005) sidoo kalena Champion-ka waa tartan sanad walbo naadi cusub meel wanaagsan ay ka gaarto kana yaabiso caalamka.

2)Waa tartankan xili dheer soconaay: Koobka aduunka xulkii 7-kulan badiyo ayaa iska leh sidaa darteed waa tartan hal bil oo qura socdo halka Champions League uu yahay tartan soconaayo 8-bilood iyo wixii ka badan waxayna u baahan taha kooxda koobkan qaadi karto inay cayaarto 13-kulan sidaa darteed farqi weyn ayaa u dhaxeeyo, sidoo kalena kooxaha aduunka ugu caansan lacago badan ayay ku bixiyaa tusaale ahaan Real Madrid ay markeedii 10-aad u qaado koobkan waxay qarash gareesay inka badan $1billion, bal fiiro sida uu tartankan u adag yahay Man United oo 13-jeer Premiership-ka hanatay 20-sano ee ugu dambeesay kaliya labo jeer ayay qaaday 20-sano ee ugu dambeeyay tartankan!

3)Champions League Xidigaha aduunka ugu wanaagsan ayaa kasoo muuqdaan: Tusaale waxaa kuugu filan xidigaha caalamka laga yaqaa sida Gareth Bale, Ibrahimovic iyo Lewandowski koobka aduunka kama qayb qaadanayaan laakiin Champion-ka sanad walbo xidiagaha ugu wanaagsan lagama waayo sida Ronaldo, Messi, Ribery, Rooney iyo kuwo kale.

Sedex Arimood Oo Uu World Cup Kaga Wanaagsan Yahay Champions League:

1) Waa koob taariikh dheer: ma sahlano tartanka waayo 1930 ayuu soo bilaawmay waana tartan xul walbo jecel yahay inuu kasoo muuqdo halka Champion-ka uu usaga soo bilaawmay 1955.

2) Koob xidig walbo jecel yahay inuu gacanta ku dhigo: dhamaan laacibiinta aduunka waxay ku riyoodaan inay mar un koobka aduunka kasoo muuqdaan kaba sii wanaagsan hadii ay gacanta ku dhigaan waayo fursada koobkan looga soo muuqan karo waa mid qaali ah sababtoo ah 4-sano hal mar ayaa la qabtaa. Tusaale: Lionel Messi oo 4-jeer ku guuleestay Ballon d’Or wuxuu sheegay inuu 4-bilad ku badalan lahaa hal mar oo uu koobka aduunka qaado!!

3) Waa tartan dalxiiska ku wanaagsan: inta badan xiliga xagaaga ayaa koobka aduunka la cayaaraa waxayna jecel yihiin taageerayaasha inay dalxiis ahaan koobkanu daawadaan madaama lagu aadiyay bilaha June iyo July oo ah xiliga inta badan bulshada aduunka fasax ku jirto laakiin Champion-ka waa tartan sanadka oo dhan intiisa badan la cayaaro sidaa darteed dalxiis ahaan looma daawan karo.

Ugu Dambeyntii: hadaba aqriste maxay kula tahay labadan tartan keebaa qiimo badan fadlan fikirkaaga ka dhiibo si aan ugu dambeyntii ugu dhiirano labadan koob midkii wanaagsan aan fara ku muuqi karno balse kaligeen go’aan ma qaadan karno sidaa darteed fikirkiina ayaan u baahanahay!


Close