Home » Horyaalada » La liga » Alessandro Del Piero: Real Madrid Si Ay G. Bale U Hesho Waxay Ka Samartay Shey Qaali ah!

Alessandro Del Piero: Real Madrid Si Ay G. Bale U Hesho Waxay Ka Samartay Shey Qaali ah!


Juventus Lazio - Campionato di Serie A Tim 2007-08

Halyee Alessandro Del Piero ayaa isagana markiisa ka dhiibtay fikradiisa ku aadan sida Real Madrid ay lacagaha faraha badan ugu soo iibsatay Grathe Bale wuxuuna Alex Del Piero sheegay inuusan la yaabaneyn qiimaha badan ee Bale lagu soo gatay balse uu la ama kaagay in Real Madrid ay si sahlan isaga iibisay Mesut Ozil oo haatan Arsenal ka tirsan, Del Piero oo arintan ka hadlaayo wuxuu yiri “Real Madrid si ay Grtahe Bale ku hesho waxay ka samartay shey qaali ah waana Mesut Ozil, runtii waan la yaabay sida sahlan oo ay Real Ozil ku fasaxday waayo waa cayaaryahan aad u caqli badan sidoo kalena kubadiisa aad u sareyo weliba asigoo dhalin yar ayuu kubad abuurista ku wanaagsan yahay”

Del Peiro ayaa sheegay inuu kubada cagta mudo dheer kusoo jiray sidoo kalena uu dareemi karo sababta ku qasabtay Madrid inay Ozil iska iibiso wuxuuna yiri “si Bale loo keeno garoonka Bernabue Real waxay ku qasbanaatay inay Ozil ka taqalusto mararka qaar marxaladaas oo kale kooxaha way soo martaa” ugu dambeyntii Del Peiro oo haatan ka cayaaro dalka Australia ayaa sheegay inuu taageero weyn u yahay Mesut Ozil sidoo kalena uu ku faraxsan yahay hormarka uu sameeyay tan iyo markii uu kooxda Arsenal xidigan ku biiray bilawgii xili cayaareedkan.


Waxaa Aqrisay: (928)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>