Koobka Aduunka ayaa la filayaa inuu ka qabsoomo dalka Brazil 12-ka June 2014 waxaana maanta ay ku beegan tahay maalintii 16-aad ee nooga hartay tartankaas qiimaha badan.
Waa tartanka ugu weyn aduunyada waxaana ku kulmi doona 32-dal oo kakala socda aduunyada shanteeda qaarada kuwaas oo tartanka usoo maray wado dheer oo isreeb-reeb ah marka laga reebo wadanka martigalinayo tartanka ee Brazil.
Hadaba Akhriste wadankeed is leedahay wuxuu ka keeni karaa guul ama wuu qaadi karaa?