Kubad sameeyaha da’da yar ee kooxda Arsenal Jack Wilshere ayaa amaanay macalinkiisa reer France ee kooxda Arsene Wenger kaas sahlay in xidigaan uu taam ahaansho dhab ah u noqdo koobka Aduunka ee ka dhici doona Brazil bisha soo aadan.
Jack Wilshere ayaa doonayay inuu kusoo laabto garoomada kadib dhaawac dhanka cagta ah oo kasoo gaaray kulan ay England la ciyaartay Denmark balse macalinka reer France ayaa ka biyo diiday oo u sheegay inuusan wali taam aheyn.
“Waxaan la hadlay Wenger anigoo doonaya inaan garoomada kusoo laabto isla markaana waxaan u sheegay inaan diyaar ahay” ayuu yiri Wilshere.
“Balse wuxuu iigu jawaabay “Maya” waxaad u baahan tahay tababar badan hadii aad rabto inaad ka qeyb gasho koobka aduunka, sidoo kalana jimicsi fiican waa inaad hesho waxaadna noqon doontaa mid la doorto” Ayuu Wilshere mar kale ku waramay.
“Taasna waa mida hada dhacday, haatana diyaar ayaan u ahay inaan anoo bad qaba ka qeyb qaato koobka Aduunka”
Wilshere ayaa rajeynaya inuu safto kulankiisii 16-aad ee Xulka England marka ay la ciyaaraan Peru Jimcada.
Jack Wilshere ayaa aad ugu mahad celiyay macalinkiisa Wenger isagoo ka qeyb qaadanaya koobkiisii ugu horeeyay heer caalami hadii uu ka mid noqdo 23-ka xidig ee Brazil aadi doona.