Kadib markii Eden Hazard uu afka kala furtay sidoo kalena uu siweyn u dhaliilay nidaamka macalin Jose Mourinho lagana dheehan karay in kubad sameeyahan uu aad u dhibsadan shaqada adag ee uu xili cayaareedkan macalin Mourinho galiyay waxaa xanaaqiisa iy jah wareerka uu ku sugan yahay ka faa’iideesan rabaa kooxaha Man Unied iyo Man City oo u balan qaadeen Hazard inaan shaqo culus la galin doonin bals xili cayaareedka dambe uu markale kubada ku raaxeesan doono hadii uu usoo dhaqao Old Trafford ama Etihad, inkastoo Chelsea aysan rabin inay xidigeeda ugu muhiimsan iibiso hadana maamulka kooxdan kama hor imaan karaan go’aanka macalin Jose Mourinho oo la rajeynaayo inuu xidigan tayada wanaagsan xagaagan iibin doono marba hadii uu amar diido iyo dhaliil bilaabay!
23-jirkan horey ugu cayaari jiray naadiga Lille sidoo kale waxaa ku raad joogto naadiga PSG oo mudo dheer isha la raaceesay balse haatan waxaa la sadaalinaa inuu Hazard Premiersip-ka England baaqi kusii ahaan doono sidoo kalena uu diyaar u yahay inuu si taxadir ku dheehan uga jawaabo dalabyada Man United iyo Man City waxaana inta badan la sadaalinaa inuu si gaar ah u xiiseenayo saxiixa Man United asigoo aaminsan hadi Luis Van Gaal uu hogaanka Man United la wareego uu siweyn uga dhex muuqan Od Trafford madaama macalinka reer Holland uu cayaaro kubad aad u qurxoon kuna dheehan weerar iyo kubad heesasho waana nimaadka uu Hazard aad u jecel yahay, hadaba xidigan u dhashay dalka Belgium xagaagan isbadal la yaab ku dheehan ma sameyn doonaa?