Home » Maxaa Cusub » Wenger: ” Ozil Nolol Raaxo Leh Uma soo Doonan Arsenal Cadaadis Kasta Wuu U Adkeysan Karaa!!

Wenger: ” Ozil Nolol Raaxo Leh Uma soo Doonan Arsenal Cadaadis Kasta Wuu U Adkeysan Karaa!!


gun__1378990173_Ozil

Arsen Wenger oo ah Macalina Arsenal ayaa sheegay in Ozil uusan soo bandhigin calaamado muujinaya inuu cadaadiska Madrid ka door biday nolol sahlan uu ku helo Emirates Stadium.

Florentino Perez  oo ah Madaxweynaha Real Madrid ayaa shalay sheegtay in Ozil uu isagu dalbaday in la iibiyo madaama uu xamili waayay cadaadiska yiilay Madrid iyo boosaska loo tartamayo Wenger ayaana aaminsaneyn in Ozil uu nolol sahlan u soo doontay Arsenal, islamarkaana mustaqbalkiisa ciyaareed oo dhan uu u soo bartay inuu cadaadis kasta maareeyo. “Maya, gabi ahaanba ma aanan ku arkin sidaas” ayuu yiri Wenger markii la weydiiyay hadii Ozil uu u muuqday inuu yahay ciyaaryahan raadinaya nolal sahlan oo ka baxsan Madrid. “Waa 24 sanno jir, waxaana uu in ka badan 50 kulan u soo ciyaaray Germany, marka aad u ciyaareyso Germany waxaad ku hoos jirtaa cadaadis badan. Waxa uu horyaalka la qaaday Real Madrid oo ah koox uu cadaadis badan ka jiro, laakiin inuu nolol sahlan raadsanayo kama dareemin.”


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close