Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger Oo U Jawaabay Gerrard: “Haa Suarez Kuma Fiicneen Arsenal, Gerrard Wuu Ogyahay”

Arsene Wenger Oo U Jawaabay Gerrard: “Haa Suarez Kuma Fiicneen Arsenal, Gerrard Wuu Ogyahay”



Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa jawaab kaftan ah ka bixiyay hadalkii uu Gerrard ka yiri arinta Luis Suarez iyo Arsenal xili ciyaareedkii hore.

Kabtanka ayaa u sheegay warbaahinta ingiriiska in Luis Suarez uu ka hor istaagay inuu ku biiro kooxda Arsenal xili ciyaareedkii lasoo dhaafay xili xidigaan uu qarka u fuulay inuu ka tago Anfield.

Gunners ayaa isku dayday iney carqaladeyso heshiis ka dhaxeeyay Suarez iyo Liverpool kadib markii ay xidigaan u gaartay aduun dhan £40,000,001 taasoo xidiga ka dhigi kartay inuu ku biiro Arsenal.

Gerrard ayaa isbuucii dhamaaday yiri: “Xiligii lasoo dhaafay, waxaan tababarka kula sheekeystay Luis Suarez anigoo u sheegay inuusan marnaba aadin Arsenal”

“Anigoo isaga xushmeynaya ayaan ku iri Arsenal kuuma wanaagsana”

Si Kastaba Arsene Wenger ayaa jawaab ka bixiyay hadalka hogaamiyaha Reds ka hor bilowga koobka Emirates isagoo qiray in Gerrard uu ku qaldan yahay hadalkaas.

“Waligaa kuma fiicneen Arsenal, Steven Gerrard ayaana og arintaas” Ayuu Wenger jawaab kaga dhigay hadalkii Gerrard.

“Waan fahansanahay gabi ahaan inuu ku weydiistay inaad iska joogto, sababtoo ah wuxuu doonayay inuu (Suarez) u ciyaaro si ay jaanis ugu helaan ku guuleysiga Premier League, balse ma dhicin, Suarez-na waa baxay” ayuu mar kale yiri Wenger.

Ugu dambeyntii Arsene Wenger sheegay in xili ciyaareedkaan uu wajiyo badan keeni Doono Emirates ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close