Home » Maxaa Cusub » Wayne Rooney: “Waxaan Rajeynayaa In Koobka Aduunka Uu Noqdo Midkeygii”

Wayne Rooney: “Waxaan Rajeynayaa In Koobka Aduunka Uu Noqdo Midkeygii”


Roone

Waa hogaamiyaha Manchester United balse su’aal (?) ayaa wali ka taagan inuu yahay hogaamiyaha xulka Qaranka Sadexda libaax madama uusan wax gool ah u dhalin xulkiisa labadii koob aduun ee uu usoo ciyaaray ka hor koobkiisa sadexaad ee uu ciyaarayo bartamaha bishaan hadiiba loo xusho 23-ka xidig ee ugu dambeeya xulka England.

28-jirkaan ayaa isku diyaarinaya koobka Aduunka xili England ay groupka dhimashada ee D kula jiraan Italy, Uruguay & Costa Rica.

Wayne Rooney ayaan wax dhaawac ah qabin xiligaan waxaana loo badinayaa inuu noqon doono hogaamiyaha dhabta ah ee xulka Ingirisika.

“Waxaan ahay mid mar walba daacad u ah nafteyda, waana runta jirta, Marka uu nasiibka igu saaciday inaan wax badan u qabto United, waxaan dareemayaa iney wax iga maqan yihiin dhanka xulkeyga” ayuu Rooney u sheegay Mirror.

“Kadib dhaawacyo i halakeeyay waxaan ku fashilmay inaan muujiyo awood labadii koob aduun ee aan soo ciyaaray, balse waxaan raeynayaan in koobkaan uu noqdo midkeygii”

“Wali gool ma aanan dhalin koobka Aduunka, waxaana rabaa inaan natiijadaas dhanka kale u rogo”

“Waxaan rabaa inaan sameeyo kala duwanaasho fiican, kaliya maahan nafsadeyda, laakiin sababtoo ah waxaan ogahay waqtigeyga fiican iney caawini doonto xulkeyga”

Sidoo Kale Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday in shaxdii uu ciyaaray macalin Roy Hodgson kulankii saaxiibtinimo ee Peur ay u aheyd shaxdii ugu fiicneed oo uu ebid garoon la galo isagoo si fiican u amaanay: Lallana, Welbeck, Sturridge & Henderson.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close